“Xiisad Dhuleed Oo Ka Aloosan Xaafada Masalaha,Masuulna Ka Yahay Maayirka Caasimada Hargeisa,Mudane Abdirhman Ideed“Gudoomiyaha Gudi-hoosaadka Nabad-gelyada ee Gudida Guud ee Sahan-Barwaaqo.

Qoraal uu ku Saxaxeea yahay Haji Mohamed Adam Omar, Gudoomiyaha Gudi-hoosaadka Nabad-gelyada ee Gudida Guud ee Sahan-Barwaaqo.kagana Hadlay Xiisad Dhuleed oo ka Jirta Masallaha Hargeysa Kuna eedeeyey in uu Masuul ka yahay Mayer Soltelco Qoraalka Soo Gaadhay Shabakadda ToggaHerer ayaa u dhignaa Sidan

Sida aynu guud ahaan la socono,waxaa jira dhul balaadhan oo kal-hore loo qorsheeyey habka magaalayinta oo ku yaala xaafada masalaha,duleedka Airportka. Dhulkaasi Madaxwaynaha Jam.S/land,mudane Ahmed Mohamoud ayaa digrayto ku qaybiyey deegaamayntiis iyo lahaansheba ka dib markii muran badani ka yimid.  Taasi awgeed,waa dhul si habsami ah loo nashqadeeyey,loona dhamaystiray deegaamayntiisa iyo goob walba lahaanshaheeda dhuleed.
Hadaba,dhibaatadan soo cusboonaatay ayaa salka ku haysa in Maayir Abdirahman Caydiid Soltico u soo sharciyeeyey Jid ama Wado halbawle ah nin ka mid ah xildhibaanada Dawlada Hoose,lana yidhaahdo magaciisa,Hassan Shahar. Waa Wadadii loo mari lahaa boloogyo la siiyey maamulka Cusubitaalka International iyo kuwo ay iibsadeen oo ay dhakhso uga dhisidoonaan Maamulka international, Cusbitaal kale oo Casiri ah. Waa dhul danta  guud ee  deegaanka iyo bulshadaba qiimo waayn u leh maadaama looga dhisi doono cusbitaal Casir ah.

Sida  naqshada dhismahan cusubtaalka ku qeexan,Wadadan Maayirku u  bixiyey in shaqsi dhistaa, waa albaabkii xaaladaha degdega ah ee cusubitaalka loo qorsheeyey,loona mari lahaa .Waa.(Emergency Door) goobta la doonaayo  in Guri laga dhistaa nasiib-darro.

Mudane Abdirahman Soltico oo falkan aad u guracan u badheedhay,waa Maayirkii Caasimada Hargeisa ee S/land. Waa madaxwaynahii Magalada Hargeisa. Waana Maaayirkii Maayirada S/land. Waa masuulkii ilaalin lahaa magaalada bilicdeeda,Jidadkeeda iwm. . Waa masuulkii sixi lahaa xatta khaladaadkii ka horeeyey xili xileedkiisa ee dhul iyo jidadba ku saabsan haddiiba ay jiraan. Wadadan Maayirku u sharciyeeyey xildhibaan Shahar in uu dhisto,,todobaad ka hor waxaa ka dhacay iska hor imaad dhex maray xildhibaan Hassan Shahar oo dhisme ka bilaabay albaabka Cusbitaalka iyo Bulshada Deegaanka oo ka ga’dooday cawaaqib xumada arrintani Jid-goyntu ay  la iman doonto haddii aan laga hortegin.

.  Waxaa iska hormaadadaasi  gaadheen heer gacan-ka-hadal dhawaacayo geystay ka dhashaan. Weli arrintan dhismaha goobtu waxaa ay taagan tahay Xildhibaan Hasssan iyo kooxo la jira oo ku adkaysanayaa dhisida goobtan Wadada ah iyo Bulshadda deegaanka oo ku fal-celinaaya diidmo  sharci ah oo ah in aan jidkan marnaba la dhisi karin,lana gooyn karin cusbitaalkuna iska leeyahay.

 Taasi awgeed,waxaa goobtaasi ka aloosaan khilaaf keeni doona isku dhacyo dambe oo dhiig ku daato haddii aan Hogaanka Dawladda hoose ee Maayir Soltico  degdeg u saxin khaladkiisa.  Waxaanu masuuliyadeeda qaadi doona Maayir Abdirahman Aideed dhib kasta oo goobtaasi ka timaada maadaama murankuba salka ku hayyo waraaqaha uu soo bixiyey ee xildhibaan Hassan ku dhiirigelinaya isku dayga dhismaha Wadadan cusbitaalka.
 Sidaasi awgeed,waxaan u soo jeeedinayaa,kuna adkaynayaa mudane Maayir Abdirhman Aideed  in uu xiisadan degdeg u dejiyo si aanay uga dhalanin nabad-gelyo darro hor leh oo deegaanka iyo Bulshada saamaysa,isla Maayir ahaana ku noqota Bar-madaw oo taarikheed dhaxalkeedu. Waxaan u soo jeedinayaa Mudane Maayir Abdirahman oo qaderin iga mudan in uu ilaaliyo sharafta iyo karaamada masuuliyada culus ee uu ummada u hayo,kana feejignaado wax kasta oo dhaawaci kara taarikhdiisa mustaqbal. Sidoo kale Police-iyo Hayadaha nabad-gelyada caasimada waxaan xasuusinayaa in khilaafkaasi ka  aloosan goobta aan sare ku tilmaamay ay gacan ka gaystaan deminta iyo xal-helidda xiisadan Xaafada Masalaha ka aloosan maadaama masuuliyinta dawladda hoose ee dhacdadani toos u khusaysay ay ka muuqato iska indho-tir cad xalinta arrintani,isla markaasi ay ku adaysanayaan socodsiinteeda talaabadan qaldan ee dhismaha goobta wadada keliya.
salaama calaykum.

Haji Mohamed Adam Omar,
Gudoomiyaha Gudi-hoosaadka Nabad-gelyada ee
Gudida Guud ee Sahan-Barwaaqo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso