Daawo: Xisbiga Kulmiye Laantiisa Washington DC Oo Xaflad ku Qabsday Magaaladaasi Khuseeya Shirwaynahoodii

Kulmiye washington DC; XAFLADII shikirkii KULMIYE EE ka dhacday Washington DC 01April 2017

Dhoolatuskii KULMIYE Ee Caasimada Washington oo ka dhacay Hotelka caalimiga ah ee Moriott. Waxaa magaala Washington  ee cariga Marykanka  lagu qabtay shirweyne aad loo soo agaasimay, waxaa shirkaas soo qaban-qaabiyey Gudoomiye ku xigeenka Washington  injineer Ahmed Abdi Ahmed oo ay wehelinaso Gudoomiyaha washinton metropolitan area Nura Ahmed Waris  iyo taageerayaasha Kulmye ee Washington/Virginia oo ay hormuud ka tahay Laanta KULMIYE ee Caasimada Washington.

 

Shirka ayaa loo soo agaasimay si aad u qurxoon, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ay dadweynaha Washington iyo Virginia degani ay fursada u heleen in ay la kulamaan; Aqoon Yahan Jamal Ali Hussein oo ka mid ah madaxda sare ee xusbiga Kulmiye, Gudoomiye kuxigeenka Kulmiye ee USA A/Salaan Baaruud Jama, oo kaalin culus ka qaatay qabsoomida shirka, marti sharaf balaadhan oo xisbiga Kulmiye ah oo lagu soo casuumey shirka iyo  Ambassadorka S/land u fadhiya maraykanka Rashiid Garuf Nur.

Inta aanan u gudbin shirka iyo sidii loo daadihinayey, Waxaa khadka telephone si casriyeysan loogu soo dhaweeyey Gudoomiya Xusbiga Kulmiye ee waqooyiga America Mustafe  Abdi Cartaan oo halkaas ka soo jeediyey kelmedo kooban oo uu ku guubaabinayo xubnaha xisbiga iyo guud ahaan  taageerayaasha Xusbiga.

 

 

Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay xubno kala duwan oo katirsan madaxda xusbiga  USA iyo Laantiisa kulmiye ee Washington DC, halkaas oo ay dhamaantood  ka soo jeediyeen kelmado kooban oo ay ku guubaabinayaan xubnaha xisbiga iyo guud ahaan hawlaha horyaal Xisbiga KULMIYE.  Waxaanay hadalkodii ku soo koobeen, in loo baahan yahay taageerada xubnaha, weliba taageerida dhaqaale ay laf-dhabar u tahay dedaalka xisbugu ku jiro ee ka midho dhalinta in uu xusbugu marlabaad guulaysto.

 

Ugu dambayntii waxaa Microfooka lagu soo dhaweeyeye Aqoon yahayn Jamal Ali Hussein oo lagu soo marti qaaday shirkaas. Jamal wuxuu sidoo kale isagu si gaar ah ugu mahadnaqay dhamaan taageerayaasha KULMIYE oo si mug leh ugu soo dhaweeyeye Caasimada Washington. Wuxuu ka waramay xaalada siyaasadee ee uu dalku maraayo iyo in la barbar istaago  Musharaxa xusbiga Kulmiye Mujaahid Muse Biixi Cabdi. Wuxuu kaloo uga mahadnaqay taageerada ay xubnaha reer Wasington la barbar taagan yihiin xisbiga Kulmiye. Isaga oo arrinkaas sii iftiiminaya wuxuu yidhi, in uu xusbigu ubaahan yahay taageero dhaqaale oo buuxda, kuno soo beegantahay wakhti doorashada oo uu xusbigu Olole galaayo. Waa in aynu xisbiga xagga dhaqaalaha ka taageernaa.

 

Wuxuu hadalkiisii ku soo koobay, “balankeenu waa hawl badan iyo hadal yar.”

 

Kulmiye Washington DC

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso