Soomaalinimo !!! Cabdiqani Iid Cilmi

Soomaalinimo! 

Eray xambaarsan dareen dihan oo walaaltinimo, kuna dheehantahay kalgacal sokeeye, oo aad kaga xigsanayso walaalkaga soomaaliga ah dadyawga kale ee dunida. Haa, waa eray maqalkiisa uumiyaha soomaaliyeed ku farxaan, sidoo kalena ay ka naxaan. Waa eray u jeedooyin badan leh. 

Waa eray dadyawga soomaaliyeed iskugu diirnaxaan, oo ay isku taakuleeyaan. Haddana waa eray marka la siyaasadeeyo bulshooyin badan oo soomaaliyeed ka firdhadaan dhawaaqiisa!  

Soomaalinimo wax aan ku doorsado garan maayo, haddana wax aan ku doorto iima muuqdo. Maxa sababay talaw?. Mar walba waxan ka maqlaa eraygan, ama inta badan ku dhawaaqa oo ku celceliya qof dano gaar ah leh.  

McCarthyism waa eray badhtamihii qarnigii tagay aad looga adeegsan jiray, dal waynaha Maraykan, oo ku qotoma eedaymo been abuur ah, qof kasta ama koox kasta oo ka hor timaada ama ka amar qaadan wayda hogaamiyii majooratiga golaha maraykan, waxa lagu eedayn jiray, in ay aragtida hanti wadaaga rumaysanyihiin,aayahoodana sidaa ayaa lagu buburin jiray. Eedaymahaasi waxa ay aad u wiiqeen awoodii xidhiidhka dibada ee maraykan, kadib markii lagu soo eedeeyay, badanka madaxdii xeeldheerayaasha ku ahaa xidhiidhka arrimaha dibadda ee ka hawl galaayay wasaaraddaa. 

Joseph McCarthy oo ahaa curiyaha odhaahda, ayaa waxa uu muujiyay dareen ah in uu kaligii iyo kooxda la safani yihiin muwaadiniinta dhabta

2 / 4

ah, cid kasta oo ku soo dabo fayli waydaana yihiin cadawga dalkooda hooyo, aragtidiisaa gaabnaydna waxa ay dhaxalsiisay guuldarro nafsiyeed, oo ugu danbayn uu u geeriyooday. 

Haddaba Erayga soomaalinmo waa eray la kala xigsado, oo dadyawga soomaalyeed aad ka dhex dareemi karto in qoloba qolo ka xigsato, kadib burburkii dawladii kacaanaka ee soomaaliyeed. 

Tusaale ahaan soomaalida ku nool NFD ama wadaka kenya, waa dad soomaaliyeed marka dareenka soomaalinimo ee ka dhexeeya dadka walaalaha ahna si dhab ah loo fiiriyo, waa dad jecel isirka soomaaliyeed, dhanka DDSE ama qaybt 5aad ee raacsan dhulwaynaha Ethiopia marka aad fiiriso, waxa aad ogaanaysaa in dadkaasi ay aad ugu feejigan yihiin,afkooda iyo dhaqankooda. Dadyawga kale ee ku dhaqan gudaha Somaaliya, Djbouti, Ama Somaliland, sidoo kale waa dad dareenka walaaltinimo aad ugu waynyahay, iskuna kaalmeeya dareenka fiican eefacawayn. 

Haddaba cillada, ama dhibta halkee ayaa ay ka timid?  

Dhibtu waa mid ka timid erayga ka soo horjeeda ama diidmada ku ah eraygan oo ah Soomaali-diid. Eraygan oo ah mid wakhtiyo badan oo kala gadisan la adeegsaday loona adeegsaday siyaabo kala gedisan ayaa ah ka keenay margashada ummada soomaaliyeed ay ku margadeen erayga soomaalinimo. 

Kadib markii dhidibada loo taagay Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, dhaqdhaqaaqyadii xoriyad-raadiska waxaa loogu yeedhay soomaali-diid iyada oo la leeyahay waxa ay diidanyihiin is maamulkiiSoomaalida Ethiopia la siiayay waagaas,Horaantii 1961kii, midawgiiwaqooyiga iyo koonfurta, wakhti yar kadib, saraakiil waqooyi u dhalatay

3 / 4

ayaa inqilaab ku kacay, waxayna sidaa ku noqdeen soomaali-diid, haddana sidoo kale dagaalkii lala galay Ethiopia dabayaaqadii 1970kii, saraakiil ciidan ayaa mucaarid ku noqday taliskii waagaas, iyaga oo kacabanayay madaxdii saree e ciidanka oo ay ku eedeeyeen khiyaamo. 

Wakhtigan aynu joogno, koonfurta soomaliya waxaa ka jirra urur argagixiso, waxa loogu yeedhaa iyagana sidoo kale soomaali-diid. 

Haddaba hadiiba erayga Soomaali-diid intaas oo u jeedo yeeshay, Talaw Erayga soomaalinimona imisa ula jeedo ayaa uu leeyahay? 

Soomaalinimada dhabta ah waa, ta diinteena suuban ina fartay ee ah inwalaalka aad la jeclaato waxa aad naftaada la jeceshay, umamada soomaaliyeed waa dad wada dhashay oo isku isir ah, wadaagana waayaha nolosha badankeeda, soo jireenkooduna ahaa reer guuraa iskukaalmeeya sii jiritaankooda iyo wanaaga aayahooda dambe. Intaa wixii ka soo hadha, ama hadiiba la siyaasadeeyo Erayga, waxa ay keenaysaa in ummada walaalaha ah ee iskugu diir naxa soomaalinimda, in ay kala caagaan oo qoloba dhankeeda soomaali u noqoto. 

4 / 4

W/Q:Cabdiqani Iid Cilmi 

Email:cab_dir@hotmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso