Sheeko: Jacayl, Nolol iyo inta u Dhaxaysa Qaybta Koowaad


Sheeko: Jacayl, Nolol iyo Inta u Dhaxaysa.

Qaybta Kowaad….

Sabti.

05/2016

“Waxa Lagu Wargelinaya Dhamaan Rakaabka Qiimaha Badan Ee Diyaradda KLM-547, In Dib u Dhac La Xidhiidha  Xaga Farsamadda  Ku Yimid  Socdaalkeeni Amsterdam  Ilaa Dubai, Wakhtiga Cusub ee aynu Duulayna Waa  Sagaalka Iyo Badhka Subaxnimo”. Sida Waxa Laga Baahiyey Sameecadihi Ku Yaaley Guddaha Madaarka.

Inkasto Soo Gaadhay Gudaha Garoonka Caalamiga “Amsterdam Airport ‘Schiphol’ Qaybta Looga Duulo Debedda Saacadu Markay  Ku Dhaweyd  Sadexdi Subaxnimo, Dib u Dhaca  Afarta Sacadood Iyo Shan Iyo Afartanka  Daqiiqo ahi Waxay  ii Xaqiijisay Inay Noqonayso Maalin Daal Iyo Caajis Badan. Ma Jeceli Dib u  Dhaca Ku Yimaada Diyaaraddaha Markan  Safar Hawada  Ku Jiro , Khaasatan Markan Ku Guda Jiro Socdaal Shaqo. Hase Ahaate, Waa Xaqiiqo Inan  Waxba Gacantayda Ku Jirin Haatan , Marka Laga reebo Xakamaynta  Cadho Ku Waajahan Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Diyaaradda oo Caajis Badan Ka Muuqday.

 

Xaadiyo!, Waa Gabadh  igu Wehelisa Safarka, Waa shaqaaale Ka Mid ah Xafiiska. Waxay u  Eekayd Mid Aad Uga Cadhootay Dib u dhaca Ku Yimid Socdaalkayagi.

 

”Waa Karaahiyo “ Ayeey tidhi Iyadoo  Cabiraysa  Siday Uga Xuntahay Dhawrka Saacadood  ee duulimadkayagi Hakadka Galay.

‘Fadhiiso Oo Isdeji,Xaadiyo! Waa Saacado Yar oo Kaliya, Insha Allah ’. – Ayaan Ku Idhi, Waxaan Ku Dadaalayey inaan Cadhada Ka Biiyo.

“Ina Keen Bun Iyo Cuno Fudud Doonane, Maanta Safarku Waa Dheeryahe   ’-Xaadiyo Ayaa Iigu Jawaabtay.

Waxaan u Dhaqaaqnay Dhanka Dukaan Bunka iibiya oo u Dhaw Gate 6 Gudaha Madaarka, Qaybta Looga Duulo Debeda.

Cimiladda Iyo Jawiga Banaanku  Wuxu Ahaa Mid Aad u Wanaagsan, Jilaal Dheer oo Qaboow iyo Beref   Badan Ayaa Laga Soo Baxay, Waxana Dhacaysay Neecaw Macaan, Maalintina Waxa Jirta Qorax aan  Kolayl Badan Lahayn . Laakin Gudaha Madaarku Waa Buuqa Iyo Sawaxan ,Dadka Ku Jira Safarradda Kala Duwan Ayaa Sanqadhooda iyo Hadalkooda la maqlaya. Dadka Qaar Waxay Safaf Dhaadheer Ugu Jiraan Xarumaha Diyaraduhu Ku Dhex Leeyihin Madaarka , Qaarka kalena Waxay Isu Diyaarinayeen  Inay Fulaan Diyaraddaha oo Hore Ka Sii Wataan Socdaalkooda.

 

‘’Waryaa Guhaad! Ma Aragtaa  Ninkaa  Fadhiya Gudaha Dukaanka, Miyaanu u  Eekayn Qof Aan Wejigisu Inagu Cusbayn?’’- Xaadiyo Ayaa Su’asha ii Waydiisay Iyadoo Tilmaamaysa Dhinaca Nin Ku Labisan Suudh Madoow, Gacanta Bidix Ku Haya Shandad Yar  oo Nooca Kobuyuutarka lagu qaato, Gacanta Midigna Ku Cabaya Koob Buna. Wuxu La Sheekaysanayey Labo Qof oo La Fadhiyey Dukaanka..

 

“Ala Haa, Waa Runta Wuxu Aad Ugu Eegyahay Qof Aan Hore U Arkay”- Ayaan Ugu Jawaabay. Degdeg Waxaan Ku Soo Saray Tilifoonkaygi gacanta, Waxan Galay Facebook Anigo Baadhaya  Liiska Asxaabtayda Facebook. “ Walee Waa Caagane,Saxiibki  Yaraanta  Isku Fasalka ahayn. Iminkana Aanu Saxiib Ku Naahay Facebook – Anigoo  Isha La Raacaya Sawirada Ugu Jira Facebook, Qaarkamida Waa Sawiro Caagane Iyo Aniga Yarantayadi Wada Galay Xiligi  Iskuulka Wadda Dhigan Jirney ’- Xaadiyo Ayaan Ugu Jawaabay;

 

“Haa Waakan …..Waa Caagane”, Anigoo Tusaya  Sawir. 

“Waa Run! Waa Halkaan Wajigiisa Hore Ugu Arkay,Waxaan Kalo Ku Xusuusta  War Laga Daabacay Shaqadiisa oo ku  Baxay Wargeeska  ,- Xadiyo AyaaTidhi.

Waxaan Aad ugu Farxay Araga Ninkaan Saxiibka ahayn, Mudo Badanse  Waayaha Adduunku Nakala Mashquuliyen.

 

“Waa Inaan La Kulmaa Markaan  Bunka Dhamayno”  – Xaadiyo Ayaan Ugu Baaqay.

Weli Waxaanu  Ku Dhexjirna Duukanki Bunka, Miis yar oo Horaanta qotoma   waxaa noo saran Cuno Fudud, Gacantana  Koob Bun Ku Jiro Ayaan Ku Haya , Bunki Intan Miska Ku Hubsaday oo Xadiyo  u soo Dhawaaday Ayaan ku Idhi, Hadalkana Deeqsinaya.

 

‘Ma Ogtahay Caagane!, Waa Qof Mudan  Heerkasare  Ka  Gaadhay Xirfadiisa Shaqo, Wuxu Ka Mid Yahay Shaqsiyaadka Aadka Looga Yaqano Looguna Ixtiraamo Shaqadiisa, Waa Injineer Caan ah , Waayo-Aragnimo Dheerna u leh Dhismaha Guryaha. Magaca Iyo Lacagtu  Maaha Mid Iloowsisay Qofnimadisa Iyo La Dhaqanka Bulshada, Balse Waa Qof Xiisogeliya, Kuna Beera Dhiirigelin  Cidkasta Oo La Kulanta .Caagane!, Wuxu Ahaa Qof Aad noo Gacan Qabtay Beri Hore oo Nolosha Shaqa Radiintu nagu  adkayd. Waxaanu Ku Aamini Jirney Sirar Badan oo Ku Sabsan Noloshayadi Adkayd. Laakin, Heerkan Sare Ee Maanta Gaadhay Ma Ahayn Mid Si Fudud U Soo Martay Isaga. Wuxu  Ka Soo Guulaystay  Wakhti Ka Mid Ah Noloshiisa , Marxalado Kala Duwan Oo Aad u Adag Saamayna  Yeeshay Inu Noqdo Qofka Uu Maanta Yahay.

Ma Caynkaasa, Guhaad, ? Hadaa  Waa Inaad  Sheekadisa Oo Dhamaystiran Maalin Iiga Sheekaysa- Xaadiyo Ayaa Sida Tidhi  Iyado Muujinaysa Xiiso Gaara  oo Qabto Sheekada iyo Nolosha Caagane i

Waxaan Hayaa Fikrad,Guhaad!- Xadiyo Ayaa Raacisay

Fikrad Nooce Ah?

“Waa Adiga Wax Qora Ee Maad Nolosha Caagane Wax Ka Qortid Haday Tahay Mid Sidaa U xiisobdan’.

 

Waa Fikrad Fiican, Laakin Beryahan Danbe Wax badan Kalama Socdo Waayihiisa Nololeed  Iyo Marxaladu Ku Suganyahay, Maanta Waa  Fursad Wanaagsan oo Waxkaga Ogaankaro  Arimo Badan Oo  Caagane Iyo Aniga Noo Kala Danbeeyey, Sahalna Maaha Inaan Ku Dayaco- Ayaan Ku Idhi Xaadiyo.

 

Waxay Nagu Qaadatay Qadar Ilaa Toban Daqiiqo Oo Kale Ah Inaan Ku Dhamaysano Cuntadi, Nasiib Wanaag Caagane Weli Wuxu Dhex Fadhiyaa Dukaanki Bunka,  Mashquul Wuxu Ku Yahay Taatabashada Tilifoonkisi Gacanta. Hadba Kor buu jaleecaya Hadana Wuxu Hoos ugu jeesanaya tilifoonka , Arinkaasi Wuxu Igu Noqday Fajiciso- Kumaan Aqoon Caagane Nin Jecel Isticmaalka Badan Ee Tilifoonada , Wuu Necbaa Dadka Ku Mashquula Tilifoonka Gacanta Markaan Aqaanay

“ Ii Waran Caagane “…Ma Wanaagsantahay?.

“ Oh Haye! Qadar Ilbidhiqsi ah kabacdi , Waa Saxiibkaygi Yaranti… Guhaad!. Wakhti Dheer Kabacdi, Ugu Danbaynti Nolol  Iyo Meel Ka Baxsan Barta Bulshada Ee Facebook  Baynu Ku Kulanay.- Caagane Ayaa Sida Yidhi.

Caagane Maha Qof  ilooba Wajiyada Dadka iyo Asxaabta, Sidayda.

“ Wakhtigu  Waa Isguraya, Saw Maaha?”-Ayaan ku idhi.

“Caagane!’ Isbarta Xaadiyo, Waa Gabadh Ila Shaqaysa.

“Waan Ku Salaamay, Xaadiyo’-

“Waan Kaa Qaaday Mudane, Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay Inaan Kula Kulmo. Sheeko Badan Ayaan Kugu Hayey”.-Xadiyo Ayaa Ku Jawaabtay.

 

“So? Maxaad ka Qabanaysay Amsterdam, Caagane? Weli Ma Sidi Baad U Socdaal Badantahay?” Ayaan Waydiiyey.

Dhankiisa Midig Intuu Jaleecay  Gacantana Ku Fiiqaya Gabadh Dhinaca Ka Fadhida, Ayuu Yidhi,”Guhaad Waxad Is Barataan Xaaskayga Caasha Iyo Wiilkan Dhalay ee Xamse. Xaaska Ayaa Qaliin Fudud Galaysay, Ayu Raaciyey.

 

“ii Waran  Dumaashi, Barasho Wanaagsan, Xamse Adeer Ma Fiicantahay “ Intaan Kor U Yare Kacay Oo Madaxa Ka Taabtay’.

“Barasho Wanaagsan Ayeey Igu Jawaabtay Xaaski Caagane,Xamsena dhoolocadays quruxbadan”.

“Caagane, Guurma Ayuu Caasha Guursaday? Caasha Maaha Gabadhi  Xiliga Iskuulka Iyo Weliba Sanadki Ka Danbeyey Jacaaylka Xad dhaafka ee Dhalinyardo Dhani Isku Ogayd Wada lahayeen?’

‘Maxaa Ku Dhacay Balanti Ka Dhaxaysay Caagane iyo Gabdhu Jecla, Maagaceedu Awal Muxu ahaa ……………’?  Su’aalaha Talantaliga ah ayaa Maskaxdayda Ka dhex Guuxaya.

………..La Soco Qaybta Labaad.

Ahmed Abdullahi Ali

jemeli2@hotmail.com

USA

Advertisement

Ku Xayeysiiso