Makullaal (Silsiladdii Miimley)

Makullaal, waa maanso cusub oo aanu weli qallalin khadkii lagu qoray, waxa qalinka laga qaaday 19.Maarij.2017, oo ku beegnayd maalmo kooban hortood. Waa maanso qayb ka ah silsiladdii Miimleyda ee waayadan xiisaha weyn u lahayd dhammaan dadka reer Soomaalilaand, waxaana hal-abuuray abwaan Mubaarik Yuusuf Cabdi (Geel-qaad). Iyada oo ka dab-qaadanaysa wakhtiga ay curatay iyo xaaladda ay ku soo baxday, Makullaal waxa ay indho miyir-qaba innagu daawadsiinaysaa waayaha naxdinta leh ee uu dalku maanta ku jiro, sida aan loo hayn cid u damqata iyo godadka ay ku sii wadaan kuwa talada haya ee aan u tudhayn dalka iyo dadka midnaba, isaga oo abwaanku ujeeddadiisa ku gud-binaya tusaaleyaal waaqiceenna ku sidkan. Intii akhrida ayaa murtideeda la bixi doontee, aan idiin kala baxo idinka iyo abwaanka.

Wuxuu yidhi:

 

 

 

Ka mafsuuday weedhiyo

Maansada hal-doorka ah

Maqalkeedu ii tebi

Toban maanka garashadu

Ka istaagay meel adag

Aniguna miciinsaday

Milgo darajalaydiyo

Maalmo taan ku duuliyo

Suugaanta maaxda ah

Iyo miidda jiiftada

Marka xiga salaan iyo

Muxubbiyo kalgacalkii

Hal-abuur midayn jiray

Anigoon madhxinahayn

Ka bilaabay midigtoo

Gobonnimo ku maamulay

Mishigaannadii furay

Muujiyay tixdaydana

 Sidaan ahay maqiiqane

 Maydal faras ku joogoo

 Marriideeyay seeftiyo

 Magligiyo billaawaha

 Maydaanka soo galay

 Oo miigganaantii

 Maaweelo waa shile

 Mitidnimo ku dhaarsaday

 

 Saddexdaasi maamuus

 Maydhaxdaan ka diiriyo

 Murti weeye duur xula

 Saddex kalana miisaan

 Hal-muceedyo gaariyo

 Mawjaddii abwaankiyo

 Raggay maagtay weeyaan!

 

 Majaraha qalloocdiyo

 Talo iga maroortaan

 Masalooyinkeedii

 Mari saaka leeyee

 Maraggeeda ii fura!

 Barta maxastu taallaa

 Meel abaara weeyee

 Haddaan maagay guuraha

Inay guurto maatidu

 Shaw midiidinkaygii

 Madibaan ka joogaa

 Kolkii ay maggawdee

 Maandeeq hasheennii

 Laga gooyay maraqana

Dhay macaan waxaan sugo

 Illeen waa masiibee

 Malaw xerada joogiyo

 Masas baaba hoos galay

 Waxaan yeeli mooyee

 Iyagaa masruufsday

 Goor xalay mirtii dhexe

 Dadku miyir u seexdeen

Ka maleegtay jiifkoo

 U maleegtay goobtuu

 Caku madanahaygay

 Mooryaantu dhaantiyo

 Malafsiga nin door biday

 Ka shir-qoolay maatida

 Mugdigii habeennimo

 Margi-balaqyadii iyo

 Gebi mudanayaashii

 Maqashiiyay heestoo

 Marka hore odhaahdii

 Muran waan ka daalee

 Midhkan waano uga dhigay

 Masuulkaa la doortoow

 Sharaf sida mullaaxdii

Rabbi kugu mannaystiyo

 Milgahaaga shaalkaa

 Lama siisto maal iyo

 Maggaabada hal weydiyo

 Waxa dhuunta kuu mara!

 Masuulkaa la doortoow

Mudnaantiyo karaamada

Cisi lagama maarmee

Haddaad gaadho meel sare

Magacaa la dhowrtaa

Isha milicsigeeduna

Manka saaran loollida

Adoo moogan laagyada

Malaggaaga oo galay

Muudso dhabaqa yey odhan

Is miidaamintaadana

Muuqaalku yuu hagin

Hibadaad mahiibtiyo

Shayga muunad kaa dhiga

Wax lagaaga maagiyo

Haka dhigin wax mina ah

 

Saddexdaasi maamuus

Maydhaxdaan ka diiriyo

Murti weeye duur xula

Saddex kalena miisaan

Hal muceedyo gaariyo

Mawjaddii abwaankiyo

Waa maayad duufaan !

 

Haddaan tixda maaddiyo

Ku marriimo sheekiyo

Hal ay muhatay laabtani

Midhkaan uga gol leeyahay

Macnaheedu waa kane

Masaladan u fiirsada

Waxay meehanawdiyo

Waxay maqasha laysaba

Waxay muska joogtiyo

Waxay dibada meertaba

Bisadii magaagnimo

Macaluul ku gabbatee

Markay dihatayay dhashay

Siddeed wada mataana ah

Oo midiba cayn yahay

Muruqeeda eegtee

Micideeda lisatee

Midkii curad u noqon laa

Inta ay majeeratay

Ka bilawday madaxee

Mijaheeda dubatee

Tidhi Alla macaanaa!

 Iyo mudanaheennaa

Siduu yahay maxbuus dila

Ragannimo ka maydki’i

Maso weeye kaliyoo

Miliqsiguna waa kii!

Ujeeddada mucdeedana

Maldahaadu waa sire

Mashaqada ku guud furay

Mudanaha ku loofaray

Xilka madaxa loo sudhay

Innagaa mushkiladaha

Maqaarkooda sidannee

Mudduciga waxaan idhi

Goortuu maquurtee

Talo looga maarmee

La maax-dumiyo geesiga

Goortuu malmalashada

 Indheer-garad mug wayn lihi

Xaajada murkacatiyo

Ka meeraysto dhiillada

Hal-door marti loo yahay

Magantiisa goortuu

Uga tagay munaafaqa

Alla magane sawtaa

Dadkii moofo loo shiday!

Alla magane sawtaa

Malabkaynu dhibcaayiyo

Ubixiyo magoolkii

Wax mahoobinaayiyo

Macaan-jecesha loo diray!

Alla magane sawtaa

Ceelkii millaalnaa

Murdiyaayda eedee

 La miishmiishay laaskii!

 Alla magana sawtaa

 Guntu muuqanaysee

Moolkiisa niib adag

Masafyadu gilgilayaan!

 

Anoon sii mushaaxayn

 Waxaan maansadaydiyo

Mareegtii ku soo xidhay

Adigoo u meel dayay

Misna talo mushaawiray

Markaad geeddi dheer tahay

Murti guunabaa tidhi

Maaraynta hawlaha

Mar dhow ratiga haw furin

Muraadkii nimuu yahay

Markabkaaga yuu rarin

Malkadaada yuu tagin

Midhna yaanu kuu tarin

Yuu intaada maamulin

Ama meherad kaa dhigan!

 

Wa billaahi towfiiq.

Soo gudbinta: Maxamed Sharma’arke

Advertisement

Ku Xayeysiiso