Tani Waa Ceeb Iyo Nacdiir…. Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir


Tani Waa Ceeb Iyo Nacdiir  Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle Weyne Koreeye Waxaan ka Baryayaa Inuu Inoo Barwaaqeeyo Geyigeena Abaartana Uu Inaga Kor Qaado Curashada Gugana Inoo Balaadhsho Geyigana inoo Wada Gaadhsiiyo Allow Noo Naxariiso Aamiin.

Halka 20 jirka Dunidu U Fekerayaan Inay Hantiyaan Koonka Kuwii Hargeisa Waa Kuwaa Isruxay Ee Gacanta Kor U Qaaday Sidii Haweenka.

 

Balse Ummadkastaa Waa Leedahay Koox Nolosha Ka Dhacay Laakiin Isma Keenaan Fagaaraha Ee Fartay Dhexda Ka Qaniin sanyihiiin Waana Dhuuntaan.

Waa Calaamadaha Dadka Jahliga Ah Ee Habayaraadee Cilmiga Ka Madhan.

 

Nebigeena (scw) Wuxuu yidhi ” Naga Mid Maaha Kii Qoomkale Isku Shabaha Iskuna Eekaysiiya “.

 

Dhanka Dhaqanka Somali Waa Ceeb Iyo Nacdiir Waxayna Dhacdadan Noqonaysaa Mid Aan Meelna Kaga Jirrin Dhaqanka Somalida Iyo Diinta Islamkaba , Meelna Laguma Arag Rag Soomaaliyeed Oo Oo Sidan Fala Balse Waxa Sababay Oo Halkaa Dhigay Dhalinyarada Waa Fikir Laaanta Iyo Dayaca Aanay Helin Cid Hankooda Korrisa Oo Dhista Una Fiiqda Dariiqa Siay U Noqdaan Kuwo Jihaysan Oo Himilo Iyo Hanleh Waanay Dayacday Dawladii Masuulka Ka Ahayd Ee U Dhaaratay Welina Qorshe Umay Dhigin.

 

Marka Laga Hadlayo Heerka Dhaqanka Somalida Ay Ka Joogeen Carbinta Iyo Tababarka Dhalinyareed Iyo Heerka Qaangaadh Iyo Heergaadhka Lagaga Rabay.

 

Waakuwii Abwaanadii Yidhi:-

Nin 20 jirra Iyo Aduun Wuu Lagdamayaa

Nin Yaraan Ku loofaray Wuxuu Lumiyay Raacde

#Salan_Carrabay.

 

Wiil 12 jirray Haduu Leli Ahaan Waayo
Raganimo Lideed Kuma Jirtee Liicyaye Ogaada

#Awow_Dubbe_Mirre

 

Heerkaa Ayaa Lagu Carbinaayay Dhalintii Horre Halka Kuwa Haddanina Ay Yihiin Sidaa Ujeedka Khaldan.

12 jir baan Looga Fadhiyin Dhukhdhukh Dhoore 30 jir Lunsanoow.

 

     

………Wabilaahi Tawfiiq……

 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan 

Kafaalooda Arimaha bulshada 

siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

 

Email: Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55

Advertisement

Ku Xayeysiiso