Maansadiiiiiiiiiii Mashuuuuuc – Adam Ali Suuq.

Maansadii Mashruuc

 

Maye macalimiintii

Miidii siyaasigu

Maskaxdii cirooluhu

Murtidii abwaanaddu?

****               ****

Intaan miimka loo kicin

Maskaxdaa la tuujaa

Muruqaa la maalaa

Mudankaa la dhawraa

Maansooyin badaniyo

Mahadhooyin reebtaye

Maxaad uga gol-leedahay?

Murti dhaadhigiiyaw

Ma garbaaba xaajadu?

Mise waa gedii kale?

****               ****

Mansabkii dhexyaalee

Midba waax lasiiyee

Ninba uu mudkii helay

Maxaad ugu dudaysaa?

****               ****

Marhaduu karaankiis

Umaxaaf-shay maatadda

Maxastiyo agoomaha

Maxaa lagu gelayaa?

Mandeelaha qarniganee

Maamuuska mudanee

Loo wada midhiidhicay.

****               ****         Yaan laga masuugine

Bal qiyaasa maantaba

Intuu meelo dhagax-dhigay?

Inta uu mashruuc furay?

Inta uu mashruuc-wado?

Madad laguma gaadhoo

Ka mug-weyn siday tahaye

Maxaa adiga kuu fuulay?

****               ****

Waa marag madoontoo

Inan yahaw miscirirtiyo

Musdanbeedka reerkuba

Musuq laguma sheegine

Murajacadda daayoo

Kolba kaadh ha  muujine

Muusay ku maqan tahay.

****               ****

Wiil midho wacnaayoo

Miisaama  hadalkoo

Maansadda abuuroo

Rabigay ku magan saday

Ayaa galab mirqaamoo

Mahadhooyinkii beri

Mugdigii la soo maray

Intuu soo  midhmidhiyuu

Muuqooda soo faqay.

Maxaa uga cabaayoo

Meeshaas ku jira weli?

****               ****

Waa iga masalo guud

Muska ooda loo rabo

Raawisi magoysaa?

Ninka Goodir  maale

Dhuuxeeda malabsada

Doobi qaad ma diidaa?

Naag masayr-tay  jiilaal

Uunsiga ma shidataa?

Macashuna manqotaa

Dhilif idaha ah maarkeed?

 

 

Adam Ali <aadan2018@hotmail.com>

 


 

Advertisement

Ku Xayeysiiso