Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay Jamhuuriyada Somaliland iyo dawlad ku sheegga federaalka Somalia…Q.3aad.

 

Afeef:
Muwaadin, arrimaha qaranka iyo horumarkiisa cidna ugama habrado,talaabooyinka siyaasadeed ee lidka
ku ah qaranka hayga filina inaan garab siiyo.

Hadaan u soo noqdo qormadan manta waxa aan ka sii wadi doonaa halkii qaybtii 2aad inoo maraysay.
Masuuliyiinta xisbiga Waddani kumay ekaan intaasi waxay dhowaan qaadeen dhacdooyin ka tarjumaya gebi ahaanba inay xoog saareen ka hortagga iyo inkiraada heshiisyada mashaariicdii ugu miisaanka cuslayd ee abid dalkan JSL lagu talaabsado hirgelintooda.Qof kasta oo ah muwaadin waxa ku waajib ah damqashada dadkiisa iyo dalkiisa.Waa hubaal 2da mashruuc ee DP World iyo saldhiga ciidan inay dhaqaalaha dalka iyo dalkhliga shacabka kor u qaadi doonaan. Mashaariicda ku ladhan ee ay sharkadaheena iyo shaqaalaheenu ba ka faaido doonaan waa mid aan daah innaga saarayn.Dekeda Berbera waxay ka mid noqon doontaa lana jaan qaadi doontaa dekedaha kale ee casriga ah.
Waxa aynu garan karnaa dawlado badani inay rasmi ahaan u rumaysan doonaan nabadgelyada badeenu inay sugantahay,kuna soo dhiiran doonaan inay ganacsigooda culus u soo duwaan.Waxa kale oo aan innaga qarsoonayn inaanay dawladaha cadawgu dhayal dagaal inoogu soo beegsan karin mar hadii saldhig ciidan ka samaysanyahay dalkeena.
Hadaba waxa la yaab leh masuuliyiinta xisbiga Waddani godka ay xadhigga ka garaacayaan.Waxaynu ognahay masuuliyiinta xisbiga Waddani inay si adag uga hor yimaadeen 2daa mashruuc ee qaranimada kor u qaadaya,weliba ay isku mar talaabo ficil la qaadeen dawlad isku sheega federaalka Somaliya.Taas oo shacabka JSL toosisay,una arkeen xisbiga Waddani inuu heer khatar ku ah habsocodka siyaasada JSL la martay mucaarid-nimadii ay ku tiig-sanayeen hogaanka dalka.
Aheey ilayn talo isuma kaa sheegto.Waxii la gud-boonaa way garab mareen.Waxaana shacabka JSL ku abuur-may shaki laxaad leh oo ay ka qaadeen siyaasada xisbiga Waddani.
Haatana waxaabay marayaan, ka dar oo dibi dhal…
La Soco hadii eebe idmo.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso