War Deg Deg : Dooxa Aw Barkhadle Oo Qaaday Gaadhi Iyo Laba Dumar Ah Oo Saarnaa .

Wararka ka imanayaa Deegaanka Aw-Barkhale ee Bariga Magaalada Hargaysa ayaa sheegayaa in Dooxa Aw Barkhadle  uu qaaday Gaadhi Noociisu yaha SURF, oo ay saarnaayeen laba ruux oo dumar ah .

Gudoomiyaha Deegaanka Aw Barkhadle Mudane Mahad Gahayr oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in Daadad waawayn oo marayay Dooxaasi uu qaaday Gaadhi iyo laba haween ah oo saarnaa kuwaas oo ka soo kicitimay Berbera kuna soo jeeday Hargaysa .

Gudoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in ay jireen dadaalo lagu rabay in lagu badbaadiyo, Balse noqday bu yidhi mid aan  lagu guulaysan .

Gudoomiyuhu ugu danbayn wuxuu noo sheegay in ay baadigoob ugu jiraan maydka labada ruux .

Roobab lagu diirsaday ayaa maanta ka da’ay Deegaano ka tirsan Somaliland .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso