Warbixin kooban – Mali Qalinkii : Maxamad Cumar Maygaag – Taag

Warbixin kooban – Mali

Muddo yar oo gaaban baan waddanka galbeedka Afrika ee Mali shaqo u soo gaadhay. Mali waa Somali oo bilaa So ah. Intaa ka sokow waa waddan aynu diinta Islaamka wadaagno oo 95% Muslim ah madhabka Malakigana  raaca inkastoo ay salaamu calaykum tu ku yartahay oo ay ” Ca va , Bonjour, Bonsoir iyo Bonne nuit ” raaxada kaaga qaadayaan. Sideenoo kale ayey qabaa’il leeyihiin laakiin qabiil laandheere ah oo aaminsan in ay qabaa’ilka kale ka heersareeyaan ma laha. Waxa ka mid ah qabaa’il  kooga Melinke, Fulani , Touareg iyo Soray . Waddanku wuxuu leeyahay 13 luqadood. Luqadda ugu caansani waxa la yidhaa Bambara. Luqadda labaadi waa Fulani laakiin dadku intaa af Fransiis oo  afka rasmiga ah ayey ku hadlaan waayo Fransiis baa gumaysanjiray.

Dalku wakhtiyada xagaaga, waa kulayl dhaaf. Maalintii 40C bay cimiladu kor u dhaaftaa, habeenkiina dhawr iyo soddon. Dadku way solmeen oo harraggii baa jidhkooga ku dhagay kulayl owgeed. Kulaylku markuu karkariyo  biyaha  jidhkaaga ku jira ee uu idleeyo, dhuuxa lafahaaga ayuu shiilayaa markaasuu cunuhu  harraad darteed ku qalalayaa. Siddaan Mali u imid maalintii 6 litir oo biyo ah ayaan ka saaraa 3 goorna waan maydhaa.

Xagga ay innaga ( Somaliland)  saddex xisbi inna wareeriyeen, waddanku wuxuu leeyahay 150 xisbi. Saddexda ugu waawayni waa RPM oo xisbul xaakim ka ah , Adema iyo URD. Malaha Somaalidana waxa u wanaagsanaan lahayd iyagoo 150 xisbi yeesha si uu qabiil waliba xisbi u yeeshuu mabsuud u noqdo.

Soomaalidu  geela ayey aad uga danbeeyaan, laakiin Mali suuqa lo’da ayaa xaamiya. Tusaale – haddaad gabadh Fulani ah guursanayso waxaad ka bixinaysaa ilaa 3 – 5 sac, qori iyo soodh, iyo kiilow khudrad caan ah oo ivory coast laga keeno oo maalinta meherka caruusadda iyo reerkoodu isku nafaqeeyaan.

Fanku waa qayb dhaqanka ka mid ah. Haddaad xiisayso heesaha Afrikaanka, fannaanka ugu caansan Mali ee laga dabadhacay waa Salif Keita. Heeso casriya iyo kuwa kaleba wuu qaadaa.

Dalalka Afrikaanka mishkilad lagama waayee, Mali haddaad booqato waxaad ku eekaanaysaa koonfurta dalka waayo waqooyiga dalka waxa fadhida jabhad doonaysa in ay waqooyiga Mali ka xorayso dalka inta kale. Haddaad ka ag dhawaato waxba kuma aha adna in ay nafta kaa xoreeyaan.

Dalka dhugdhuglay baa rag iyo dumar aad loo wataa. Markaan Bamako – caasimadda dalka soo gaadhay waxaan arkay gabadh da’yar, si fiican u labisan oo dhugdhuglay cusub wadata.  Waxa daba socday oo ku daba xiiqay will dhalinyara ah oo mooto wallkhtigeedii dhamaaday saaran. Markuu soo gaadhaba way ka goosanaysay. Bureeq kaa dhugdhuglay wanaagsani waa mashaakil.

Shakhsiga ugu caansan Mali waxa la yidha Freddie Kanouti. Waa nin kubadda cagta caan ku ahaan jiray oo aabihiina reer Mali ahaa hooyadiina Fransiis, Fransiiskana ku dhashay. Kooxaha kubadda ee uu u ciyaari jiray waa Leon, West Ham, Tottenham, Sevilla  iyo koox Shiina ah

Maxamad Cumar Maygaag – Taag

Advertisement

Ku Xayeysiiso