Sixirka, Falka ama Qataarka oo noqday faldenbiyeedka ugu waxyeelaynta badan dadweynaha Somaliland iyo Xeer-ciqaabeedkiisii oo aan maxkamadaha iyo dalkaba lagu hayn! ! !

Sixirka , Falka ama Qataarka oo noqday faldenbiyeedka ugu waxyeelaynta badan dadweynaha Somaliland iyo Xeer-ciqaabeedkiisii oo aan maxkamadaha iyo dalkaba lagu hayn !!!!!

waxaa mudoyinkii danbe cirka isku shareray oo sida fiinta ay 

uga qayliyeen dadweynaha Somaliland gaar ahan Rer Burco

dhibaatada uu ku hayo sixirka iyo sixirroolayaashu

dhibaatadaasoo ah mid aan baaxaddeeda lasoo koobi karin

sida :: carruurtii iyo dadkii oo sixir lagu qafaalanayo

qoysaskii oo lagu kala furayo ,qoysas laysugu guurinayo

qaab maddiiddo iyagoon ikhtiyaar lahayn ,dhashii oo lagaga

kaxaynayo dumarkii iyadoo ilmagaleenka ay degayaan

jiman ay sixiroolayaashu soo dirsadeen ,dhiig badan oo

dumarkii qaar ka furmaaya makaanka ,suuxdimo aad u

badan oo dumarka usii badan ragguna ka qayb yahay

guurkii oo laga sixrayo dadkii qaar rag iyo dumarba

dadkii ehelka iyo qaraabada isu dhow ahaa oo sixir lagu

kala firdhinayo, beelihii oo qaar sixir la dhexdhigay iyo

colaad soo noqnoqonaysa , nashaadkii ,firfircoonidii 

iyo biligii oo dadka laga sixrayo , shaqaysigii iyo 

waxbarashadii oo dadkii qaar laga sixrayo ,meheradihii

iyo ganacsigii iyo lacagtii oo lagu dhacaayo qaab Sixir ah

xanuunka iskubuuqa iyo fekerka oo dadkii lagu furaayo

qaab sixir ah dadbadan oo sixir lagu waalay oo xidhxidhan

dad aad u badan  oo waddanka lagaga tahriibiyay qaab

sixir ah iyadoo loo isticmaalay waxyaalo kala duwan oo

ay kamidyihiin dharkoodii duugga ahaa ee ay ku dhidideen

oo inta weel oromo kaga bedelatay ay sixiroolayaashii 

gacanta ugaleen oo ku sixreen,siyaasiyiin iyo ganacsato

aad u badan oo la sixray iyadoo inbadanoo kamida ay

sixirroolayaasha usoo adeegsadeen qaar kale oo iyaga 

lamida oo ah siyaasiyiin iyo baayacmushtarro kale

. iyadoo oo dadka laysku beddelayo , tusaale dad buka

oo laga caalwaayey ayaa lagu beddelayaa kuwo aad u

caafimaadqabay sidaana cudurkii loogu kala warejinaya

qaab sixir ah , irsaaqadda ayaa laga sixrayaa dadka

qaar waxloo yaqaan ” Sixru manci Rizqi ” oo waxaad

arkaysaa dad aad ubadan oo la sixray oo caydhobay

oo foqoro isugusoo baxay , halka aad arkayso dadkii

sixirroolayaasha la shaqaysanayeyna iyagoo taajiray

oo hantiilayaal la yaqaan noqday mid guurto ah iyo 

mid maguurto ahba , iyagoo aan muddo dheerba soo

shaqaysan oo usoo dhididin ,inkastoo ay xaqiiqo tahay

in sixirroolayaashaa reer somaliland khalkhaliyey iyo

iyo dhagarqabayaasha la alaakhaystaaba ay lacago

aad ubadan ka dheceen dadkaa hantiilayaasha ,

ganacsatada , jeeblayaasha ,qaadwalayaasha

iyo siyasiyintaba leh ee ay Sixraden ee dhaandhaamen

waxaa Hammada lagaga qaaday Qaab Sixir ah rag iyo

dumar aad iyo aad u farabadan oo markii ay hawshii

gogosha tahliwaayeen lammaanayaashoodii sidaa

ku furay oo ku macasalaameeyey ama sidaaba kaga

caagay guur iyo reer yeelasho ama wax dhalid

waxaa sixir lagu kala firdhiyey carruur iyo waalidintod

carruur iyo walaalohood , rag iyo xaasaskood iyo

noockastoo qaraabo iyo ehel isjeclaa ahaa

waxaa laga dhigay dad badan qaar aggressive ah oo

markiiba iska cadhoonaya oo dagaalamaya oo 

dabcigoodii xumaaday oo sidaa dadkii kaga go´aya

oo isgo´doominaya oo danohoodiina halkaas ku

baaba´ayaan iyana buufis sidaa ku qaadaya waana

qaab Sixir oo lagu sameeyey iyadoo ay heleen

saaxiriin xaasidiin ah iyo kuwa la shaqaysta oo  u

quudhiwaayey noloshooda iyo firfircoonidooda

dadkaa la sixrayaa waxay u badan yihiin dad ah

haldoorkii ganacsatadii iyo siyaasiyiintii iyo

labeentii waddanka muddo dheer ayuuna Sixirkaasi

somaliland ku socday waana ta keentay in waddanka

iyo dadkiisiiba aad loo dareemo in waxweyni ka si yiin

dadka aragtida dheer  ee garaadka weyn ilaahay ku

mannaystay way dareemayaan arrinkaas si cad.

Sixirroolayaashaas iyo dadka la shaqaysta iyo dadka

ku xidhan ee xertooda ah rag iyo dumarba iyana waa

dadka kuwii ugu liitay xagga kartida ,akhlaaqda

iimaanka ,allakacabsiga ,iyo xagga hantidaba

ka hor inta aanay ka macaashin sixirka ay hantidii

dadka ku dheceen iyo xaaraantaa ay ku naaxeen

Intaa aynu soo sheegnay ee Jariimado Sixir lagu

fuliyay iyo inkasii badanba waa xaqiiqooyin yaalla

dalka oo ka dhacay inbadan oo dadweynaha ka

mid ahina waa ogyihiin iyo dawladda dad badan

oo ka tirsaniba cid wax kaqabanaysaana ma jirto

xitaa lama rabin in laga hadlo intii hore ,imminka

ayaaba la bilaabay inlaga hadhadlo markii ay

bilaabeen sixirroolayaashii iyo dadkii la shaqay

sanayey inay dadweynihii dhiigga ka miirtaan

oo carruurii qafaashaan iyagoo ku qunsanaya

muraadadooda sixirka lagu fulinaaayo

waxaa sixirroolayaasha oo muddooyinkii danbe

soo badanaayey markii kuwii hore waxba laga

qaban waayey ee ay ka taajireen hantidii iyo

xoolihii dadkii ay sixreen, waxaana lasoo

xaqiijiyay in sixirroolayaashaa ka ugu halisaysan

ee ugu khatarsan ee umadda reer somaliland

sixirka xasuuqa ah ee aan cidna loo aabboyeelayn

hadday tahay rag ,dumar ,carruur ,culimo ,caammo

siyaasiyiin ,ganacsato ,waayeel iyo noockastoo

bulshada ka midaba oo sixirkiisaa ay ku dheehantay

oo ka muuqato cadaawad iyo naxariis darro aad u

gaamurtay oo aan la garanayn waxa ku kallifay

ee uu sixirka ugu xasuuqayo gaar ahaan Reer 

Burco Gaar ahaan Besha Habarjeclo lagu magacabo

Sixirroolahaasi waa Raahib reer burco weligii ahaa

oo la sheegay inuu deggan yahay oo xaruntiisa u

wayni tahay Burco xaafadda Sheekh Ibraahin ,

xaruntiisa 2aad ee u waynina tahay Hargaysa

Xaruntiisa 3aadna ku taal dubay waa nin haysta

baasabooro badan oo dalal dhowra ah sida

baasaboorka imaaraatka oo weyn iyo kuwo

kale oo yaryar iyo waaweynba leh ,la garan 

maayo qaabka uu ku helay baasabooradaa

marka laga reebo ka imaaraatka oo uu u qaaday

nin ganacsade iyo madax ka ah imaaraatka 

waxa uu u dhoofaa oo tagtagaa wadamada yurub

sida Uk,jarmalka iyo wadamo kale dad aad ubadan

ayuuna waddamadaas kusoo sixray ,waxase hadda

looga digayaa dadka ku nool imaaraatka carabta

oo uu dhowaan usoo cararay ,iyada oo magaalada

Burco lagu qaban gaadhay , kaddib markii aysoo

shaacbaxday in isaga iyo xertiisu ay ku lugleyihin

dadka qaabka sixirka ah dhiigga looga shubanayo

burco iyo meelaha kaleba ,waxa lasoo sheegayaa

in isagoo aad u cadhaysan uu soo galay Dubay

halkaasna uu nidar ku maray inuu sixir ku xasuuqo

Abdirabi Aden

Advertisement

Ku Xayeysiiso