Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha Somaliland Oo Barri U Baxaya Burco, Isla Markaana Xadhiga Ka Soo Jaraya Mashruuc Waagi Uu Mucaaradka Uu Ahaa Ka Si Wayn Uu Uga Soo Hor Jeeday .

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti Culus oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay maalinta Barri ah ka amba baxaan Magaalada Hargaysa, iyagoo u kicitimi doonaa Gobolada Bari Gaar ahaan Burco .

Ujeedaada ugu wayn ee Safarka Madaxweynuhu Daaranyahayna ayaa ah siduu uu xadhiga uga soo jari xarunta Shirkadaha Sahaminta Shiidaalka ka wada Somaliland .

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah sidaanu xogta ku helayno Wasiiro, Hogaanka Xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiin kaleba .

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE si wayn uga soo hor jeedi jiray in dalka laga sahamiyo Shiidaal, maantana Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ayaa wadda Mashruuc ay ku sheegtay in uu yahay mid lagu sahaminayo Shiidaalka, wallow bulshada ku dhaqan Bariga Somaliland ay ka biyo diideen .

Ugu danbeen Madaxweynaha ayaa u safrayaa Mashruucii uu hore uga soo horjeeday oo ah Sahaminta Shiidaalka .

Madaxweynaha Somaliland Oo ay ahayd in uu xaaladda adag ee ay ku jiraan Bulshada ku dhaqan Bariga Somaliland ee Gaajada iyo Haraadka ugu dhimanaysa uu xaaladooda la soo qeybsado, lana tacaalo ayaa ka door biday in uu soo kormeero Mashruuc uu hore uga soo hor jeeday oo ah Mashruuca uu barri u baxayo ee ah Sahaminta Shiidaalka .

Xaaladda abaareed ee ka jirta Gobolada Bari ayaa halkii ugu xumayd maraysa, iyadoo markiii xoolihii dhamaadeen , ay hadda bilaabmatay Dhimashada Dadka, abaaraha jira awogood .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso