Waxa hoog u sugnaaday cidda dulmi xambaarta

waxa hoog u sugnaaday cidda dulmi xambaarta.

maanta aynu ka nasano dhankii siyaasada taa badalkeedana aynu isdu taagno dulmiga iyo xumaanta uu leeyahay.waxyar kusoo dhawaada qisada yar Waxa ji…

 

maanta aynu ka nasano dhankii siyaasada taa badalkeedana aynu isdu taagno dulmiga iyo xumaanta uu leeyahay.waxyar kusoo dhawaada qisada yar

Waxa jiri jirey boqor daalima oo dhulka isku weyney jirey,wuxuuna  ahaan jirrey mid awood badan ku leh wadanka,isaga dabadiina aan laga daba hadli jirrin.

 waxana  la jaar ahaan  jirtey  islaan yar oo aad u miskiina,taasi  daganaan jirtay buulyar oo boqorka ku ag nabnaan jirey,maalin maalmaha ka mida ayuu boqorkii amar ku bixinayaa,in la burburiyo buulkii yaraa,kaasi oo uu arkaayay inuu ka  fool xumaynaayo wajahadiisa,wuxuuna  u dirayaa ciidamo,ciidamadiina way burburinayaan  islaanta oo  maqan kana war hayn waxa ku dhacay buulkeedii yaraa!!!.

goortay gaadhay  galabtii cadceeduna sii galbanayso  ayay islaantii yarayd oo tabaacanii  imanaysaa meesheedii  waxayse arkaysaa buulkeedii yaraa oo bubursan la baabiyay!! waxay guda  galaysaa sidii ay  u ogaan lahayd waxa ku dhacay buulkeedii yaraa ,waxase loo sheegayaa   in buulkeedii  yaraa uu burburiyay  boqorkii magaaladu.

Islaanta ma qaylinayso mana warwarayso,waxayse markiiba  bilaabmaysaa siday gacmaha sarre ugu taagi lahayd, ,ilaahna  ugu ashkatoon lahayd,waxay odhanaysaa illaahoow anigoo maqanbaa  buulkaygii yaraa  la burburiyey,haddaan anigu maqnaana    adigu xageed joogtay??!!,isla markiiba wuxuu ilaah amrayaa,mallagul   jibriil mallagul  jibriilna wuxuu leeyahay lixboqol oo baal,oo baalstaaba leegyahay cadceed ka dhaca iyo cad kasoo baxa,ilaahbaa amar kusiinaya inuu burburiyo qasriga boqortooyada malagu jibriilbaa  ku  dhufanaya  garabkiisa qasrigii  boqorku lahaa dabadeedna  wuxuu noqonayaa  baab waxay la simayaa dhulka.

Waxba ha dulmiyin  haddaad awood leedahay,dulmigu cidhibtiisu waa shanlayn ,indhahaagu way seexan,kii la dulmiyeyna wuu is ciili isagoo kusoo habaari isha illaahna ma seexato dhamaad,

Hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso