Soomaliya iyo Kenya oo Gaadhay Heshiisyo Muhiim u ah labadaa Dala

Nairobi, Kenya (23ka Maarso, 2017)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa maanta ku kulmay Aqalka Madaxtooyada Kenya. 
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo ku saabsan xiriirka labada dal oo ay ku jiraan socdaalka, iskaashiga, ganacsiga, ammaanka iyo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Kulanka labada madaxweyne waxaa dhinac socday shirar ay yeesheen Wasiirrada labada dal. Kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadan ayay labada madaxweyne qabteen shir jaraa’id oo ay ku qabteen madaxtooyada ku faahfaahiyeen qodobbadii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa yiri “Waxaan ku amarnay mas’uuliyiinta ammaanka ee labada dal in ay si dhaqso ah u kulmaan, ayna ka heshiiyaan sidii dib loogu bilaabi lahaa duullimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Muqdisho iyo Nairobi, waana in duullimaadka ugu horreeya uu ku bilowdaa labo toddobaad gudohood. Waxa kale oo aan ku heshiinnay in dadka sita baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqaalaha dowladda ee labada dal aan looga baahan doonin in ay soo dalbadaan dal-ku-gal.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee dowladda iyo shacabka Kenya ay usoo dhaweeyeen. Waxa uu intaas raaciyay in ay Kenya tahay mid kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya leedahay.

“Iskaashiga labadeenna dal waxa uu lagama maarmaan u yahay in aan ka guul gaarno caqabadaha na haysta oo ay ka mid tahay argagixisada iyo saboolnimada. Booqashadan waxa ay qeyb ka tahay sii joogtaynta iskaashi dhow oo labadeenna dal ay ka yeeshaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ganacsiga. Iskaashi dhow oo dhaqaale oo dhex mara Soomaaliya iyo Kenya ma wanaajinayo oo kaliya nolosha malaayiinta dadkeenna ah, ee sidoo kale waxa uu wax ka tarayaa xaaladda ammaanka ee Bariga Afrika.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Qodobbada lagu heshiiyay ee kale waxaa kamid ah in dib loo howlgeliyo marrinada la isaga gudbo ee labada dal si ay u fududaato isu-socodka dadka iyo badeecadaha isaga gudbaya labada dal.

Advertisement

Ku Xayeysiiso