Xilli roobaadkii iyo 21 maaris.W/Q:sadam osman kaabash.

Waxaa lafilayaa deeqdii alle ee guga ahayd in ay inoo da’do,waana xilligaynu u baranay,foorihiina wuxuu ka soo dhacay bari hawd.maanta oo kale iyo cilmiga juqraafigu waxa uu sheegaa in roobka di’idiisu bilaabanto march 21keeda.waa hubaal in deeqda alle aanay ku xidhnayn wakhti gaara,laakin faaliyayaasha juqraafigu wax bay ka sheegaan maanta oo ah march 21,buugaagta cilmiga juqraafigana waxaa ku taala in la filaayo in roob da’o.

Wareega cad-ceeda inta u dhaxaysa labada kullaale iyo dhulbadhaha,waxaa ka dhasha afarta xilli ee aynu u naqaano jiilaalka,guga,xagaaga iyo dayrta.dhulbadhuhu wuxuu u kale qoqobaa  arladan laba daamood oo lagu asteeyo kullaalaha koonfureed iyo kullaalaha woqooyi,oo laba jiho ka kale dhaca si barbaro ah dhulka.

Kolka cad-ceedu taagantahay kullaalaha woqooyi,qaybta woqooyiga xiga ee dhulbadhuhu waxay heshaa xilli kullul, waxaana laga soo doogay gugii, waxaana lagu sii socdaa wakhtigii darta,xilliganna waxuu ku astaysanyahay xagaa.

Xilligan cadceedu waxay ka maqantahay dhulbadhaha iyo kullaaha koonfured.sidaa si ku lid ah kullaalaha koon fureed wuxuu ku jiraa xilli jiilaal ah oo roob la’aan iyo dhaxan isugu jirta.

Septembar 21 qoraxdu waxay dib ugu laabataa dhulbadhaha,waxana ka dhasha xilliga darta oo kullaaha koonfureed iyo ka woqooyiba waxay ku
Jiraan xilli roobaad dayreed.

Intaas kadib cadceeda socodkeeda way sii   wadataa  ilaa ay gaadho decembar 22 kullaalaha koonfureed oo noqda xilli kullayl ah,sidaa si ka duwan kulaalaha woqooyina uu isu bedelo qabaw dhaxana oo bilaa rooba.

Geeska Africa ahaan waxaynu ku naalaa kullaaha woqooyi waxaynu waajahayna xilli roobaadkii guga,cadceeduna waxay usoo socotay xagaa iyo dhulbadhaha,maanta oo ah maarich 21 waxaa taagan xilligii guga idanka alle.cadceduna waxay cagta saartay dhulbahadhaha.maasha allah xilligan aan qoraayey maqaalkan cirkaan eegoo, waxaa saaran daruur aad u cufun,qoyan,madaw, oo huur iyo killayl badan wadata.

Advertisement

Ku Xayeysiiso