Tartankii kooxaha heerka labaad ee Kubbadda Kolayga oo lasoo gabagabeeyay

Hargeysa: Tartankii Kooxaha Heerka 2aad ee Kubbadda Kolayga oo la soo Gabagabeeyay

  • Kooxda Shaadhay Team oo noqotay horyaalka Kooxaha Heerka 2aad

Hargeysa (ToggaHerer)- Tartankii u socday kooxaha heerka labaad (Division B)  ee Kubbadda Kolayga oo ay siddeed kooxood oo ka tirsan kooxaha kubbadda kolayga ee caasimadda Hargeysa, ayaa lagu soo gabgabeeyay garoonka kubbadd Kolayga ee Timacadde shalay, halkaas oo ay ciyaartii kama danbaysta ahayd isku heleeleen labada kooxood ee Shaadhay Basketball Team iyo kooxda ku ciyaaraysay magaca xaafadda Jijiga Yar, iyadoo ay guushu raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca ciyaartoygii waynaa ee kubbadda kolayga u safan jiray gobolka Maroodi-jeex sannadihii 80 meedyadii ee Axmed Cismaan Shaadhay oo iyadu keensatay 32 dhibcood, halka kooxda laga guulaystayna ay ka keensatay 26 dhibcood.

Kooxaha ka qaybgalay tartankan ayaa ahaa 8 kooxood oo heerka labaad ah, kuwaas oo kala ahaa; Shaadhay Team, Jigjiga yar, Abaarso-Tech school, Ahmed-Gurey, Callo Team,  Timacade Basketbll Team, D.H.ee GABILEY, iyo kooxda ku ciyaaraysay magaca garoonka CIYAARSAME. Waxaa tartankan soo qaban-qaabiyay Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubbadda Kolayga, oo taageero k helay Hay’adda Mercy Corps iyo USAID, waxaannu socday muddo 17 maalmood ah.

Ciyaartan kama danbaysta ahayd ee labadan kooxood ee Shaadhay Team iyo Jigjiga yar garoonka Timacadde ku dhexmartay ayay ka soo qayb-galay masuuliyiinta dhallinyarada iyo ciyaaraha oo uu ugu horeeyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Md. Maxamed Xusseen Axmed (Dhabbeeye), Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland Mr. Maxamuud Xassan Cabdillaahi (Qodax), Xoghayaha Xidhiidhka Mr. Mahdi Cabdi Yuusuf,  Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Mercy Corps.

Guddida Farsamada ee xidhiidhka Kubbadda Kolayga ayaa dhanka kale markii ay ciyaartu dhammaatay ku dhawaaqay 3 laacib oo ku kala guulaystay jaa’isadaha laaciibiintii ugu dhibcaha badnaa (Best Scorer) muddadii tartanku socday iyo laaciibkii ugu wanaagsanaa taranka (Tournament’s Best player Award) iyo sidoo kale laaciibkii ugu akhlaaqda wanaagsanaa (Best Discipline Award).

  • Diiriye Axmed Cismaan oo ka tirsanaa kooxda Jigjiga Yar wuxuu ku guulaystay jaa’isadda laaciibkii ugu goolal-dhalinta badnaa tartanka (Best Scorer).
  • Cabdiwahaab Baashe Xusseen, kana tirsanaa kooxda horyaalka qaaday ee Shaadhay ayaa loo aqoonsaday laaciibkii ugu wanaagsanaa tartanka (Tournament’s Best player)
  • Cabdiwahaab Maxamed: oo ka tirsanaa kooxda Timacadde B. Team ayaa sidoo kale loo aqoonsaday laaciibka ugu akhlaaqda wanaagsanaa tartankan (Best Discipline Award).

 

 

 

Diiriye Axmed Cismaan – waxaa loo aqoonsaday goolal dhaliyihii ugu wanaagsanaa (best scorer)

 

 

Cabdiwahaab Baashe Xuseen – waxaa loo aqoonsaday goolal dhaliyihii ugu wanaagsanaa (best scorer)

Cabdiwahaab Maxamed – waxaa loo aqoonsaday ciyaartoyga ugu akhlaaqda wanaagsanaa (best discipline)

Advertisement

Ku Xayeysiiso