DAAWO: Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo dalka ku soo laabtay kadib socdaal qaatay toddoba maalmood oo ay ku tageen dalka Kenya

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo muddo toddobaad ah socdaal shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, ayaa dib ugu soo laabtay dalka hooyo galabta.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa wehelinayey oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, ayaa ka soo degay madaarka diyaaraha ee caasimadda Hargeysa galabta kadib safar shaqo la xidhiidhay arrimaha abaarta ka jirta Somaliland iyo horumarinta dalka oo ay kulamo kala soo yeesheen ku dhawaad toban safaaradood, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, hay’adaha caalamiga ah ee Baanka Adduunka, USAID, Bangiga Horumarinta Afrika iyo qaar kale.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale waxa ku soo dhaweeyey madaarka madax kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso