Khilaafka ka dhex taagan golaha wasiirada iyo kala maqnaanta guddida abaaraha ee heer qaran halka uu salka ku hayo

Khilaafka ka dhex taagan golaha wasiirada iyo kala maqnaanta guddida abaaraha ee heer qaran halka uu salka ku hayo
Madaxwaynaha mustaqbalka isagoo ilaalilanaya xeerarka iyo qawaaninta xisbiyada iyo qaranka u dagsan waxuu inta badan cabiraa dareenka shacabka ee ku aadan dhaliilaha jira.
Waxaa soo baxaya khilaaf xoogan oo udhaxeeya golaha wasiirada, khilafkasoo ku saabsan abaaraha, waxaynu ogsoonahay in abaar xun ay dadkan ragaadisay, muddo 4 bilood ahna ay ahayd marba marka ka sii danbaysa mid sii adkaanaysay. Wararka soo gadhaya madaxwaynaha mustaqbalka jahuuriyada somaliland waxay shegayaan in kalfadhiyadii ugu danbeeyay golaha wasiirada lagaga doodayay abaaraha, ayaa la isku qabtay sida loogu qaybinaya gobolada dalka dhaqaalaha lahayo, waxayna sababtay in lagu kala aragti duwanaado doodii kal fadhigaas. wasiiro misaan ku leh xukuumada aya qaba in abaar lashegaa aysan ka jirin gobolada bari halka qaar kaloo wasiira ah kuwasoo kal fadhiyada soo xadiro codkoduna yaryahay iyagana ay qabaan gobolada bari inay yihin kuwa ugu xun ee ay abaarta ragaadisay ilaa hadana dhimashada dadka u dhintay abaarta ka jirta gobolada bari ay garayaan 50 qof dadkasoo ilaa hada aysan helin gar gaar bini aadanimo oo toos ah.
Dadkan waxay u baahanyihin cadaalad maanta ma ahan waqtigii loo kale eexan lahaa, waxaa intaa dheer culumadii dalkan looga dhigay guddida abaaraha ee heer qaran inay iyaguna ku kala qaybsameen qaabka ay u qaybinayaan dhaqaalaha xoogan ee ay hayaan, laba kamid ah ay shegeen in gobolada bari xooga lasaaro halka 4 kamid ah ay iyana shegeen in maanta waxa lahayo la siinayo gobolada galbeedka. Halka Gobolada barina waxa kasoo hadha gobolada galbeedka la siiyo. Waxaana cod batay qoladii lahayd galbeedka xooga hala saaro iyagoo garab ka helaya wasiiro kamid ah xukuumada kuwasoo fadhiyay kalfadhigii muranka badnaa ee golaha wasiirada dhexdoodu ay isku qabsadeen.
Xubnihii ka tirsanaa guddida abaaraha tiradooduna dhamayd 4 waxay sameyeen qorshaha ay donayaan inay bulshada wax u gaarsiyaan, lacagta ay hayaan ayay ku shegeen inay dhan tahay 4000,000$
Gobolada galbeedka 70$ halka gobolada bari 30$
Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan ugu baaqayaa madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland inuu kala diro guddida abaaraha ee heer qaran dhaqaalaha ay hayaana lagala wareego, wasiirada kala qaybiyay guddida abaarahana xilka laga qaado

mohamed osman

Advertisement

Ku Xayeysiiso