Gudaha Ka Eeg :Degmada Daroor Ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethopia Oo Cudur Ka Dilaacay Iyo Tirade Dadka U Geeriyooday .

Wararka ka imanayaa Degmada Daroor Ee Dawlad Deegaankaa Soomaalida Ethopia, ayaa sheegayaa in Degmadaasi uu ka dilaacay Cudurka loo yaqaan Shuban-biyood .

Ilaa hadda wararku waxay sheegayaan in dad u dhinteen Xanuunkan, waxaanay tiradoodu ilaa hadda ay maraysaa 10 Ruux .

sidoo kale waxaa la sheegay in dad tiradoodu kor u dhaafayso 100 Ruux ay u jiifaan Xanuunkan Cusbitaal ku yaal Degamda Daroor .

Wixii warar ah ee ka soo kordha aanu idinku soo gudbin doono wararkayaga soo socda .

Advertisement

Ku Xayeysiiso