Maxaa kala haysta Sh.Dirir iyo G/Wakiilada

51 dal oo islaam ah ayay ka shaqeeyaan labada nidaam ee ganacsiga
baananka,ka ribada iyo ka islaamka. Shacabka dalalkaasi waxay inta
badan la macaamilaan baanka islaamka,dadka shisheeye ee dalalkaa ku
nool ee aan muslimiin ahayna waxay la macaamilaan baanka ribada.Kan
ribada qudhiisa ayaa waxuu samaystay qayb ku shaqaysa nidaamka
islaamka oo aan lahayn ribo.

Hadaan u soo noqdo dalkeenan aan haysan aqoonsi ayaa g/wakiilada la
keenay ajande ka kooban 12ban xeer,laguna ansixiyay. Xeer kasta
sidiisa ayay wakiiladu uga doodi doonaan si loo ansaxiyo ama la
diido.Waxaana wakiilada u qorshaysan inay 12kaa xeer ku dhameeyaan 3da
bilood ee socda.
Waxa hadaba dhacay dhawr sheikh oo muwaadiniyiin ah,uguna horeeyo
Sh.Maxamed Cumar Dirir ayaa sida fiinta uga hor yimi xeerka baanka
ribada oo ku jira ajandaha,ahna qodobka 8aad(Xeerka baanka
ribada).Sheekh Dirir si adag ayuu uga digay in wakiiladu ansaxiyaan
xeerkaa loo sameeyay baananka adeegsada nidaamka ribada in la keeno
dalka amaba ay muwaadiniyiin ka furtaan dalka.

Dhamaan shuyuukhda arrinkaa ganafka ku dhufatay waan dhegaystay
waxaanay si isku mid ah ayay farriintooda shacabka ugu soo
bandhigeen,waxaanay ka hadleen ribada balse shacabka umay soo
bandhigin maadaama dalkan jsl aan la aqoonsan,lahayna baanan xidhiidh
la leh baananka aduunka,dhibaatana ay ku noqotay ganacsatada jsl
keenista waxa ay ka ganacsadaan ee ay dibadaha ka soo iibsadaan iyo
sidii xal loogu heli lahaa. Sh.Dirir iyo shuyuukhda kalaba iyagoo
xishmad iyo qadarin uga mudan sida ay arrinkaa ribada xil iskaga
saareen inay xil iska saaraan sidii baanan islaami ah loo keeni lahaa
oo baahida dalka xoog saaraan iyagoo ka abiyinaaya shacabku inay
xalaashadaan ribada. Waxa iyana waajib ka saaranyahay inay shacabka u
soo bandhigaan 2da sarrifle ee hadana indho sarcaadka shacabka u
dhigay,iskuna magacaabay Dahabshiil International Bank iyo Darasalaam
Bank.
Marka aynu ka hadlayno Bank waxa jira nidaam diiwaangelin ah oo lagu
aqoonsanayo ganacsigaasi inuu yahay Bank ku jira nidaamka u yaal
baananka aduunka ka jira oo loola macaamili karo oo dee diiwaangashan.
Waxaynu ognahay 2daa sarrifle ee isku sheega baananka,kana jira dalkan
jsl inaanay sharci bank u haysan inay ganacsatada wax ka soo dejisa
dibadaha u furi Karin nidaamka ruqsadaha soo iibsiga dibahaha lana
yidhaa LC,kuna koobanyahiin uun dalka gudahiisa.Taa hadaan halkaa ku
dhaafo 2daa sarrifle waxay samaysteen nidaam aanay ka madhnayn ribadu
oo ay shacabka wakiil uga noqdaan iibsiga dalka gudahiisa amaba iyagu
dibadaha uga soo iibiyaan ayagoo adeegsanaya accounts ay ku leeyihiin
baananka ribada ee dibadaha. Mar hadaanay ahayn baanan nidaamka
baananka kaga diiwaan gashan aduunka ee ay kaga diiwaan-gashanyahiin
sarriflayaal (Money Exchanges),wakiil ama qayb(Branch) ka mid ah
Islamic Bank aduunka islaamka ka jira ma odhan karno waa baanan
islaami ah.

Sh.Dirir iyo culimada kalaba waxa aan si qadarin leh uga codsanayaa
inaanay ku ekaan uun ka hor tagga baananka ribada adeegsada in dalka
la keeno si aanay talaabadaasi u horseedin kacdoon inay wacyi gelin
curiyaan ay kaga hadlayaan sidii dalkan jsl ka xidhan aduunka loogu
samayn lahaa nidaam islaami ah ama loo keeni lahaa islaamic bank.
Shuyuukhda waxa waajib ka saaranyahay xal khayr qaba oo ku salaysan
diinteena wanaagsan,una sahlaya ganacsatada wax soo dejisaa baanan ay
la macaamilaan oo baananka aduunka xidhiidh la leh.

Wakiiladana waxaan leeyahay waar nimanyow codka aad golaha ku
fadhidaan waa ka shacabka,kamana shaqaysaan danaha shacabka ee waxaad
ku hawlantiin siyaasada xisbiyada oo idin jiho habaabisay. Bal xeerkan
laga qayliyay ee ganacsiga baananka u soo bandhiga shacabka aad
wakiilka ka tahiin.Shacabka ayuu saamayn culus ku leeyahay oo dee
noloshooda halis ku gelin maayaan hadii xeerkaasi qeexayo inay habka
ribada adeegsanayaan ganacsiga baananka culimadu ka qaylisay.

Wabilaahi Tawfiiq
Taraby Xasan
Taraby016@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso