Daawo :Kooxda Xidigaha Geeska Oo Cawda U Jaray Fanaaniin Caan Ah + BK Oo Ku Soo Laabtay Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Af-Hayeenka Cusub Ee Kooxda Abwaan Jaylaani Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Qodobadan Iyo Kuwo Kaleba .


Kooxda Xidigaha Geeska Oo Cawda U Jaray Fanaaniin Caan Ah + BK Oo Ku Soo Laabtay Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Af-Hayeenka Cusub Ee Kooxda Abwaan Jaylaani Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Qodobadan Iyo Kuwo Kaleba .

Shir ka dhacay magaalada Hargaysa oo ay isugu yimaadeen Dhamaan Xubnaha Kooxda Fanaaniinta kooxda Xidigaha Geeska ayaa waxaa ka soo baxay go’aamo kala duwan .

Kooxda Xidigaha Geeska ayaa doortay Hogaan Cusub, iyadoo Gudoomiye loo doortay Abwaan Xasan DHuxul Laab-Saalax, Gudoomiye Ku Xigeen waxaa loo doortay Fanaan Maxamed Axmed Bakaal Cirro, Xog-haye Waxaa loo doortay Fanaan C/raxman Caydiid Oday, Halka Af-hayeenka Kooxda loo Doortay Abwaan C/risaaq Xaamud Jaylaani .

Kooxda Xidigaha Geeska ayaa waxay kooxda ka saareen Fanaaniinta kala ah, Yurub Geenyo, Nimcaan Hilaac. Hodan C/raxman Dheere iyo Yuusuf Hanad, Sidoo kale waxaa Kooxdu soo dhawaysay oo ku soo laabtay Kooxda Fanaanka Maxamed Bk .

Ugu Danbeen Kooxda Xidigaha Geesku waxay kooxda ku soo dareen Xubno Cusub oo isugu jira Fanaaniin iyo Farsamayaqaanno, Waxaanay tiradodou dhantahay Lix Xubnood .

 

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso