Khatumo Somaliland ayee u hiilisay, Somaliland waxa lagu sugiyaa wajibkeeda iyo hiilkeedi

Khatumo Somaliland ayee u hiilisay, Somaliland waxa lagu sugiyaa wajibkeeda iyo hiilkeedi

Caalamki wuxu wakhti dheer u yaqaanay gobolada bariga Somaliland, iney yihiin gobolo la isku heysto ‘disputed area’. Taas waxa keenisay maadama deegaanka ku kala qeybsanaa fikir siyasadeed, iyo sadex maamul oo ku kala dhisan siyasad kala duwan. Mid ku dhisan iney deegaanku ka mid yahay Somaliland, mid inu ka mid yahay Puntland iyo mid la rabay iney deegaanku too hoos yimaado dawlada Somaliya ee ka dhisan Muqdisho.

Arintan wexe dib ula hadhay nabada iyo horumarka deegaanka. Sanadki 2012kii waxa ka dhacay magalada Taleex shirweynihii Khatumo oo deegaanku, siyasiintiisi, saladiintii iyo shacabkii oo kala harin ku wada heshiiyay iney ka baxaan kala qeybsanaantan, oo Xaga siyasada ina lagu wada midoowo oo deegaanku wada socdo hal dhinac laga wada soo jeesto. Waxa kagaa abuurmay midowga siyasadeed(political union)ee Khatuma. Khatumo nidaamkeeda iyo.maamulkeedu waxa ka kooban yahay, Saladiintii iyo Siyasiintii loo xil saaray Hogaanka.

Kadib wexe Khatumo isku dayday iney Dawlada Federaalka Somaliya ka mid noqoto oo wakhtiga ku jirtay iney u sameyso maamulo gobolada Somaliya oo markaas la sameeyay oo ee u aqoonsatay States ama maamulo sida Galmudug,Jubbaland, South – West, HirShabele. Khatumo wexe kor iyo hoos ba ku dadaashay iney kamid noqoto maamuladaa marka la sameeyay, mamuladaas oo ciidanka Amisom ilaliyaan ayee aqoonsatay Dawlada Federaalka, laakinse Khatumo wee ka weyday aqoonsigaas Iyo tixgalinta ee heleen maamulada Somaliya ka jiraan oo waxa u muuqatay ina dawlada Somaliya iney tahay dawlad matasha gobolada koonfur ee Somaliya kaliya oo gobolada waqooyi ee Khatuma ka mid tahay in aanay matalin oo ka dhex weyday aqoonsigaas Iyo danihii deeganada matasho Khatumo.

Khatumo waxa u muuqatay iney ka mid tahay Somaliland ee wada wadagaan dan iyo deegaan. Oo hadii loo wada hadliyo Somaliland iyo Somaliya, oo cadeeniya iney Somaliland ka mid eheed Somaliya oo halgankaa dawladnimada ee biloobmatay 1960 ka koobneed laba gobol waqooyi iyo koonfur taasina ku ekeed 1991 marki dawladaasi burburtay Somaliland lasoo noqotay gooni isutageedi.

Somaliland iyo Khatumo waa kuwaa maanta wadahalado u socdan. Waxa meesha ka baxay oo Khatumo ka war keentay oo fikir ahaana ka saartay meesha iney Puntland iyo Mogadishu midna kamid eheen ama dantooda siyasad ka dhex arkin. Khatuma yada oo danaheeda ka tashatay, wexe ka dhex aragtay political interestkeeda Somaliland oo la odhan karo wexe u hiilisay oo dooratay Somaliland. Somalilandna wexe aqoonsatay Khatumo iney matasho siyasada deegaankaas.

Maadama Khatuma Somaliland u hiilisay, oo wadahal la gashay, maantana Somaliland waxa laga sugiyaa wajibkeeda iney fuliso oo yadanu Khatumo u hiiliso.

Somaliland wajibkeeda wexe kaga so bixi kartaa wajibkeeda yada oo la gasha Khatuma heshiis dhab ah oo aan la dafireen mabadiida iyo fikirka siyasadeed ee Khatuma.

Heshiiskaasi wuxu noqoniyaa heshiis dhab ah oo noqoniya heshiis sameyn weyn ku yeelaniya dadka iyo dalka ee matasho Khatuma iyo Somaliland, haduu noqdo heshiis ku dhisan xal(compromise). Taasna wuxu noqoniyaa hadii heshiiskaasi kasoo dhex baxdo, sidii hal dhinac looga so wada jeesan lahaa (political consolidation), si joogto oo dhab ah(structural) loogu midoowo(merger). Taasina wexe dhicisaa uun hadii beesha ee matasho Khatuma ee dareento iney ka mid tahay Somaliland, oo ee ku leedahay share siyasadeed (political shareholder). Oo aanay heshiiskani noqon mid ee u arkaan ina hal dhinac ee la wareegtay(takeover) ama hoogankoodi la iibsaday (acquisition).

Marka xalku wuxu ku jiraa hadii la midoobo siyasad ahaan oo fikirada siyasadeed ee Khatuma ka dhex muuqato ama ka mid noqoto siyasada Somaliland, Somaliland gooni isutageedu iyo dastuurkeeduna markaas uun ayuu micno u yeelaniyaa beesha Khatumo.

Hadii la dhaho Khatumo ha sii jirto as a political platform ama authority,yada oo ka mid ah Somaliland si co-federalism camal ah, wexe keeni doonta khalkhal iyo kala qeybsanaan siyasadeed, oo si fudud loo kala dhex gali karo. Ta labaad sharciga iyo structure ka Somaliland uma sameysna iney beeluhu ka dhex furtaan wakalado, oo wexe keenisaa iney bari reeraha iyo jilibyada kale Somaliland yaguna ka dhex furtaan meherado siyasadeed oo waxa la noqoniyaa tusbax kala furmay.

Marka suasha waxa weeyaan sidey hanka siyasadeed(political aspirationska) Reer Khatumo usii jiri karaa oo uga dhex muuqan karaa Somaliland?

Wexe ilatahay jawaabtuna iney Khatumo isku badasho xisbi siyasadeed ama hoogaanka Khatumo noqdo hogaanka mid ka mid ah sadexda xisbi Qaran ee iminka Somaliland leedahay.

Siiba Xisbiga UCID ayaa ugusoo dhoow oo ugu dhuun daloola ina loo baneeyo hoogaanka Khatuma. Faisal Ali Waraabe wuxu kamid yahay gudiga Somaliland matalisa wadahadalada iyo waa siyasiga kaliya ee wadahadalka Khatumo aad u daneeya. Aad bu uga hadlay ina 3 xisbi qaran hal beel kasoo wada jeedaan, oo ceeb ku ah beesha dhexe. Waanu ku dhawaqay inu Musharax xu-kigeenka la rabo siyasi kasoo jeeda beesha Khatuma.

Horeyna wuxu ku heystay musharixii hore ee UCID Jamaal Ali Hussein iney isku jilib kasoo jeedaan Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi. Markaa hadii wadahadaladu Faisal dhab ka yihiin waa inu u baneeniyo Gudoomiyanimada Xisbiga UCID Hogaanka Khatuma.

Hadii kale wadahadladu wee fashilmiyaan, Khatumona iyo Somalilandna wee ki fashilmiyaan marka barina kooxo kale oo hubeysani ka dhex dhalashaan gobolada Bari.

Jibriil Hashim

Advertisement

Ku Xayeysiiso