Daawo Sawirro: Ciidan gadoodsan oo la wareegay kontoroolka koonfureed ee Garoowe iyo Xiisad taagan

Ciidamo gadoodsan oo katirsan Daraawiishta Puntland ayna hogaaminayaan saraakiil ciidan ayaa xalay la wareegay kastamka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku leedahay kontoroolka koonfureed ee Magaalada Garoowe.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidankan ay hogaaminayaan saraakiil ayaa watay gaadiid dagaal iyo hub badan, waxa ayna ciidankan si nabad galyo ah kula wareegeen kastamka Wasaaradda Maaliyadda ku leedahay magaalada Garoowe.

Ciidankan qabsaday Koontaroolka Koonfureed ee magaalada Garawe waxaa horkacaya Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Dayr Xaaji Cabdi, waxa ayna ciidankan ka cabanayana mushaar la’aan heesata dhoor sano

General Dayr Xaaji Cabdi oo Warbaahinta shir ja’aaid u qabtay ayaa sheegay in ciidanku ka cabanyaana mushaar la’aan heesata 30-bilood, waxa uuna been cad ku tilmaamay warka kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ee lagu sheegay in ciidanka Musharakooda la siiyay.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay mudo badan samrayeen balse markan samirkii uu ka dhamaaday, waxa uuna sheegay in aysan jirin ciidan mushaar la siiyay ayna been abuur tahay Warka kasoo baxay Wasaarada Maaliyada.

Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland, Maxamuud Axmed Gubadle, ayaa isna ka hadlay gadoodka ay sameeyeen ciidankan katirsan Puntland, waxa uuna sheegay inay u doodayaan xaquuqdooda oo ka maqan ayna dalbanayana in la siiyo, isagoona intaa raaciyay in aysan jirin cid xoog ku heesan karta xaquuqdooda.

Xiisad ka dhalatay ciidanka Gadoodsan ee la wareegay Koontaroolka Koonfureed ayaa ka taagan magaalada Garawe, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in xaalada lagu qaboojiyo laguna qanciyo ciidanka iyo saraakiisha halkaasi la wareegay.

Maamulka Puntland ayaa waxaa hada saaran cadaadis xoogan oo kaga imaanaya ciidamankooda kuwaa oo ka cabanaya mushaar la’aan, waxa ayna ciidamada Puntland marar badan qabsadeen xarumo maamulkaasi leeyahay iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso