Xisbiga Waddani oo ku dhex asqoobay siyaasada

Xisbiga Waddani oo ku dhex asqoobay siyaasada

Mucaarid iyo Muxaafidba dalku wuu ka dhaxeeyaa,keliya hogaanka dalka ayaa waajib ah in si xishmad iyo qadarini ku jirto loogu tartamo.

Waxa xisbi walba ku waajib ah inuu dastuurka,shuruucda iyo xeerarka xisbiyada qaranka dhawro.

Waxaa marag ma doon ah kordhintii ugu horaysay ee 22ka bilood laga daray inay doonayeen oo ay masuul ka ahaayeen 2da xisbi mucaarid,markii guurtidu go’aanka soo saareena ay afka gacanta geliyeen oo ay siday doonaan u hadleen iyagoon xaq dhawrayn shacabk,shuruucda iyo dastuurka midnaba.Maalintii dhowayd ee taa ku xigtay ee la qaban lahaa doorashada ayay hadana mar 2aad xisbiyada mucaaridku afka gacanta geliyeen oo ay dalka ku qasbeen doorashada in dib loo dhigo.Waxay gebi ahaan ba shaqadii kala wareegeen komishanka doorashooyinka oo hawshooda diyaarsaday,keliya u dhinayd qaybinta kaadhadhku,markaasay ku talaabsadeen wada-tashi.Waxay soo saareen soo jeedin,wuu ku raacay madaxweynahu,waana taa ay shalay guurtidu muddaysay 3dii doorashaba. Waxaad arkayseen 2da xisbi mucaarid oo ka warwareegaya muddaynta doorashada golaha wakiilada! Weliba Waddani waxa uu caddeeyay inaanu raali ka ahayn oo wax ka beddeli doono ta wakiilada(Ref:hadalkii Adam Dhoolayare).Gud.Cirro isna hadalkiisa waxa ku jirtay: taa wakiilada sidaa iskumaanu ogayn.

Waa 2ba masuul oo ka tirsan xisbiga Waddani,hadalkana islama haystaan.

Hadaan sii yara hufo talaabooyinka yaabka leh ee ay ayaamahan ku kacayaan xisbiga waddani waxa ka muuqda jiho wareer siyaasadeed,bal hada u fiirso kuwa aan hoos ku xusay:

1.Ma laha qorshe siyaasadeed oo ay xukuumada ku mucaaridaan.

2.Masuul kasta oo Waddani ka tirsani oo hadlaa halkuu jeclaado

ayuun buu marinayaa mucaaridadiisa.

3.Xubno ka tirsan Waddani ayaa soo gashanaya shaadhka cuqaasha

Markaasuu hadana hadal waddaniyaysan ku garaacayaa xukuumada.

4.Masuuliyiinta Waddani waxay kala qaadeen wasiirada oo ay mid

walba si gaar ah u cambaaraynayaan shaqada uu qaranka u hayo,

halkay xukuumada ka dhaliili lahaayeen.

Muwaadin wasiirku miyaanu xukuumada ka tirsanayn,ma gaar ayuu tukaan u haystaa,miyaanu ku shaqayn siyaasada xukuumada.Cajiib.

Waxa taa ka sii daran caaqil beel u haya hawl nabadeed ama magta ka ururiya ayaa la odhanayaa siyaasad ka hadal oo wasiir hebel eedaymo dusha ka huwi,ma siyaasad ayay beeshu caaqilka u xil saartay!

Intaaba waxa faraqa ku shubtay Gud.golaha wakiilada oo adkaysanaya ansixinta bilawga wadahadalka heshiiska saldhigga ee 2da gole oo isku jiraa ku meel mariyeen 144 cod inay waxba kama jiraan tahay! Taa macnaheedu miyaanay ahayn waan iska dhigay masuuliyadii golaha iga saarnayd oo waxan ka door biday musharax-nimada Waddani.

Waxyaabahaasi iyo qaar kaloo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin waxay inoo caddaynayaan xisbiga Waddani inuu ku dhex asqoobay siyaasada JSL,una baahanyahay waqti dheer oo ay dejiyaan,salkana u dhigaan mucaaridadan indho isku qabashada ah ee habqanka ah.

Allaa Mahad leh

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso