TACSI:-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Raage Inbox

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI eekala jooga gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Raage oo 07/03/2017 kii ku geeriyooday dalka Canada.

Guddoomiye Cirro, waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na waxa uu ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadkii doorka muuqda ka soo qaatay dedaaladdii horumarineed iyo nabadeyntii dhismaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland isaga oo sida oo kale na ka mid ahaa dhidi-baddii aas aasay xarunta Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Amiin.

INNA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso