Xisbiga Kulmiye Tacsi u Dirayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Raage


Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Raage oo ku geeriyooday dalka Canada xalay taariikhdu tahay 06/03/2017.

Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Raage oo ka mid ahaa saraakiisha Xafiiska hay’adda Interpeace ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika, waxa uu ka tirsanaa aasaasayaashii Akademiga Nabadda iyo Humarinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan karti badnaa, isla markaana door laxaad leh ka soo qaatay dib-u-dhiskii Somaliland, sidoo kalena qayb weyna ku lahaa horumarinta dhinaca dimuqraadiyadda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo qaranka uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso