Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Waxa uu Tacsi u dirayaa Alle ha u naxariistee Marxuumku Cabdiraxmaan Cismaan Raage

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku Cabdiraxmaan Cismaan Raage oo ku geeriyooday 07/03/2017 Dalka Canada.

Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dedaaladii nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, waxaanu ka mid ahaa dhidibadii aas-aasay xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso