Go’aankii Guurtidu Wuxu ahaa “Deggay isla Jiilaalka Jiilaalkiisii, U kordhiyay Wakiilada ana sii dheeraystay Fadhiga, iskana Jeediyay G.deegaanka.

Ilaahay SWT waa Siduu doone yeelle ( FACAALU LIMMAA YURIID), isaga ayaa Roobkiisa shuba goorta uu doonana shuba meesha uu doonana ku shuba ciddii uu rabana u shuba,
iyada oo ay sidaasi jirto ayaa uu hadana Alle SWT waxa uu sameeyay xilliyo, Xilliyadaas oo Qaarkood qabow yihiin, qaar kalena kulul yihiin Qaar Rooban yihiin halka ay Qaar kalena aanay roobaneyn,
December badhtankeeda waa waqtiga ay Guurtidu u calaamadisay in ay doorasho dhacdo waa isla Jiilaalka Jiilaalkiisa, waa isla waqtigii ay ina dhex dhigeen muddo kordhintii hore !!!
samada kamaan iman oo Ilaahay December iyo xilliguu doonaba Roob wuu inoo shubi karaa, laakiin hadana waa aynu is ka wada ogsoonoo maaha xilli aynu Roob Rajeyno/sugno.
Waaba Gole Jiilaal Golahani, waa wada shirqool muddo kordhintoodu.
Distoorku iyaga ( Guurtida) ayuu awood u siiyay muddo kordhinta laakiin waxa ay sameeyaan had iyo Jeer Muddeyn Xirfadaysan, muddeyntuna waa isha keliyaata ee ay ka Cabaan, haddii ay wax ku lulanayaan iyo haddii ay kuraasta fadhigooda sii dheeraysanayaan,
“”Qiil ay ku banaystaana ma waayaan Bisinkana waa ay yaqaana nimankaasi “”

Qushi ‘e Xilliga ay doonaanba ha doortaane Jiilaal iyo Xagaa’ ba ka ay noqotee, horta maxa ay tahay ama ay ku Sababeeyeen Muddo kordhinta Kale ee Saddexda Golle ee kale ( Guurtidooda, Wakiilada iyo Deegaanka ) !!!!
Hada Gara oo Muddo kordhinta Madaxtooyada abaarta ayaa sababtay, 3 da kaleba muddadoodu waa sabab la’aan, taa Wakiilada iyada waa tii la lahaa Guddi ayaa loo saarayaa Saami qeybsiga Kuraasta !!! oo horta Guddidii miyaa la saaray ?? waa maya, oo hadaa bi’iwaayee Jinkan inoo sheegay in Saamiga qeybinta Kuraastu dhamaanayso 2019 doorashadoodana la geli doonaa 2019 muxuu ahaa mooji !!!
ala Dal ba’oow yaa ku yaa ku baylihiyay.
Guurtida Doorashadoodu sannad ayay ka dambeysaa ta wakiilada sharciga ayaa sidaasi hore inoogu sheegay, inkasta oo ay meel ay ka keenanba ay Guurtidu ina tidhi maanta ( 06 March 2017 isniin ) 2019 ayay dhacaysaa ta guurtidu hada halkaana u Fiirso waxbaa isku qasane !!!
Ta Deegaanka Mooji iyada sababtaa 2 daa Sanno loo mudeeyay !!!

Ugu Dambeyn Waad U jeedaa in Gaadhiga aynu Saaranahay iswado waa aynu nasiib wacanahay oo laamida ayaa toosan steeringkuna waa uu u xidhan yahay I laaahay waa aan uga mahad celinayaa in uu afarta taayir laamidaa noogu beegay, Gaadhigana wadadaa toosan inoo dul dhigay, Kaadi badane waa loo Gogol badiyaaye Ilaahay waa inoo Seeto dheereeyay, laakiin la soco maankaagaana geli in wadadu ay dhamaanayso Seetaduna ay dhamaanaysaa ee yaanay Kedis iyo afkala qaad kugu noqon imtixaan ayaa inagu socda, Guul daradiisiina waa ay inoo sii muuqataa.
Allow Alle.

Yaasiin Maxamed Xuseen
0634431016.

Advertisement

Ku Xayeysiiso