Masar Oo Ku Howlan Itraatiijiyad Qarsoon Oo Ka Dhan Ah Ethiopia

Wakaaladda wararka ee Koonfurta Suudaan (South Sudan News Agency) ayaa baahisay waraysi khaas ah oo ay la yeelatay jaajuus hore oo ka tirsaanaa sirdoonka dalka Uganda, waxayna wakaaladdu sheegtay in dowladda dalka Masar ay si firfircoon raad ugu leedahay istaraatiijiyad milatari oo qarsoon oo ka dhan ah biyo xireenka ay Ethiopia ka dhisayso Webiga-Nile.

Waxay kaloo dowladda Masar caawimaad milatari oo dhinac walba leh siisaa dowladda Koonfurta-Suudaan oo dagaal kula jirta mucaaradka uu hoggaamiyo Riek Machar oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfurta-Suudaan oo hadda madax u ah jabhadda lagu magacaabo (South-Sudan Liberation Movement/Army “SPLM/A).

James Moises oo horey uga tirsanaa sirdoonka dalka Uganda ayaa sheegay in labada dowladood ee Uganda & Masar ay ku heshiiyeen sanadkii hore laba arrimood oo kala ah biyo xireenka Ethiopia ay dhisayso sidii laga yeeli lahaa iyo burburinta jabhadda dagaalka kula jirta dowladda Koonfurta-Suudaan.

“Marka hore, Masar waxay ku guuldaraysatay olole diblomaasiyadeed oo ay si joogto ah ku baadi goobaysay waddadii ay ku joojin lahayd dowladda Ethiopia biyo-xireenka korontada dhaliya ee ay ka dhisayso Wabiga-Nile, marka labaad Ugadna, iyaduna waxay taag iyo tabarba u weyday inay burburiso mucaaradka ku kacsan dowladda Koofurta-Suudaa ee SPLM, waana labadaas arrimood waxa mideeyay Kampala iyo Qaahira,” ayuu yiri James Moises.

Wuxuu kaloo intaa ku daray, “Ethiopia way rumaysan la’dahay in Qaahira iyo Kampala ay ka wadahadlayaan wax la xiriira biyo xireenka ay ka dhisaysanayso Wabiga-Nile”.

“Tani waa istaraatiijiyad qarsoon oo ka dhan ah dowladda Ethiopia” ayuu yiri.
Moises wuxuu wakaaladda wararka Koonfurta-Suudaan u sheegay in qorshe uu soo dajiyay madaxweynaha Uganda una soo bandhigay dhiggiisa Qaahira Cabdulfatah Al-Sisi bishii December 2016, wuxuuna qorshuhu ahaa “Haddii Qaahira ay ogolaato inay hub iyo rasaas ugu deeqdo dowladda Juba oo ay Kampala ku doonayso in lagu jabiyo mucaaradka SPLM, Kampala waxay fulin doontaa tallaabo walba oo ay ku taageerayso Masar oo lagu burburiyo biyo xireenka ay Addis-Ababa ku howlan tahay, wuxuu kaloo Museveni waa madaxweynaha Uganda’e uu Al-Sisi u ballan qaaday inuu keeni doono taageerayaal kale oo arrinkaas biyo xireenka diidan oo madaxda waddamada Bariga-Afrika ah oo taageeri doona Masar”.

Masar waxay hub iyo rasaas siisaa Koonfurta-Suudaan.

Ninkaasi jaajuuska Uganda ahaan jiray wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in Masar ay hub casri ah ugu deeqday dowladda Juba iyo qalab milatari oo casri ah, isagoo intaa ku daray in Kampala ay u gudbiso hubkaas dowladda Koonfurta-Suudaan.

Arrintan shaac ka qaadista ah maaha markii ugu horreysay ee uu James Moises ka dhaawaajiyo waxaa jira waqtiyo kale oo uu wax kashifay.

Bishii Julay 2013, in ku dhow 4 bilood oo Koonfurta-Suudaan dagaal sokooye ka socday ayuu qoray maqaal uu ku sheegay in madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu faraha kula jiro arrimaha Koonfurta-Suudaan, taasoo sababtay ammaan-darro ku baahda dalalka Bariga-Afrika iyo Adduunkoo idil, ayna sabab u yihiin ciidamada Uganda ee farakutirska ah ee ku sugnaa Koonfurta-Suudaan kahor dagaalka ka qarxay dalkaas.

Moises wuxuu ka digay bishii November 2015 in heshiiskii nabadaynta Juba ee la gaaray bishii ka horreysay August 2015 uusan miro-dhal noqonayn wuxuuna dusha u saaray arrintaas in labada madaxweyne Salva Kiir & Moseveni ay horey usoo qorshaysteen dabin looga hortago hirgalinta heshiiskaas, wuxuuna dabinku ahaa in mucaaradka uu hoggaanka u hayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta-Suudaan Riek Machar ay caasimadda Juba u yimaadaan hirgalinta heshiiskii IGAD kaddibna abaabulaan dagaal.

Bishii lasoo dhaafay February 2017 taliyaha milatariga mucaaradka ayaa ku eedeeyay Masar inay duqayn xagga cirka ah ka gaysatay goobaha ay fariisimada ku leeyihiin jabhaddooda SPLM ee magaalada Kaka ee ku taala Nile-ka-sare, laakiin Qaahira waa diiday eedeyntaas.

Mucaaradku waxay kaloo sheegeen in bishii January 2017 ay Masar iyo Koonfurta-Suudaan ay gaareen heshiis qaab-daran oo ahaa inay labada waddan heshiis kuwada gaareen sidii lagu burburin lahaa biyo xireenka korontada ee Ethiopia ka dhisayso Wabiga-Nile.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
mjfaarah@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso