Xidhiidhka Ka dhaxeeya Adoonsigii wakhtiyadii Guumeysiga iyo Tahriibka Maanta

Xidhiidhka Ka dhaxeeya Adoonsigii wakhtiyadii Guumeysiga iyo Tahriibka Maanta

Tahriibka Maantu waxa uu la Mid yahay Waagii Adoonsigii dadka la adoonsan jirey laakiin waxa ay ku kala duwan yihiin dhowr qodob aniga aragtidayda.

Xiligii adoonsiga Dadka afrika waa la soo doonan jirey dabadeedna qasab ayaa dhulkooda lagaga kaxeyn jirey, isla markaana waa lagu xamaalan jirey waxaanay qaban jireen shaqooyinka ugu ad adag uguna dhibta iyo khatarta badan, Balse wakhti xaadirkan, Dadka Afrika iyo goobihii dadka laga kaxeysan jirey ee Dunidu iyagii ayaa Xadhko la isaga hayaa, isla marka ay fursad dhib badan oo khatar iyo xanuun badan ku galaan wadan ka mida kuwa Yurub ama guud ahaan Reer Galbeedka , waxa uu qabtaa Shaqooyin la mida Kuwii xiligii Gumeysiga la qaban jirey oo waxoogaa la farsameeyey ama la casriyeey balse u dhigma wakhti xaadirkan kuwa ugu dhibta iyo khatarta badan.

Xiligii Gumeysiga ee Adoonsigu aadka u socday ee dadka xooga ah la daabulayey Wadamada reer Galbeedku waxay kala boobayeen oo ay ku dagaalamayeen Dadkaas sidii uu mid kastaa dalkiisa u geyn lahaa dad tiro badan, balse Xiligan imika waxaa la isla baryayaa oo ay lacag badani ku baxdaa sidii Wadamadda Qaarkood looga dhaadhicin lahaa in ay Magan-galiyo ama deganaansho, ama nasasho ku meel gaadh ah siiyaan Dadka ku soo qul-qulaya Wadamadooda.

Maraakiibta ugu faraha badan ee ku soo xidha Xeebaha Afrika Waxey qaadi jirtey Dadka la doonayo in la Adoonsado, maanta se waxay intooda badani sidaan Mucaawinooyin ay ku kabayaan dawladaha faqrigu hadheeyey.

Afrika waxyaabaha ugu badan ee Madaxdooda lagala hadli jirey waxaa ka mid ahaa, sidii ay dad faro badan ugu diyaar gareyn lahaayeen iyaguna lacag u dhaafsan lahaayeen dadkaas, Maanta se waxa lagala hadlaa sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayeen in ay Wadamadooda aaminaan taa badalkeedana Madaxda Afrika waxay lacag ku qaataan oo Reer galbeedku ku laaluushaan Hir-galinta “STAY YOUR HOME” ama Gurigiina Jooga .

Hadaba Maxaad filaysaa ee kale isla markaana is badelay, sidee se qofku Wadankiisa wax uga qaban karaa waxna uga qabsan karaa isaga oo aan u han-qal taagin dhul shisheeye oo ninkii lahaa u fikirey isla markaana awoow-gaa lagaga shaqeeyey oo uu qurxiyey, adigu wali ma waxaad ahaaneysaa kii dhulka aanu laheyn Mas masaxa iyadoo Guumeysi Casriyeysan laguu diyaariyey, mise waxaad ahaaneysaa kii Rejo u abuura Mustaqbalka ubadka iyo jiilasha iman doona Dhulkaaga.

Ka fikir Talaabada aad ku soo jiidan karto Indhaha Caalamka ee waliba Caalamku u dhisi karo una qurxin karo Dhulkaaga.

” Tahriib, Guumeysiga Casriyeysan oo waliba aad adigu is-gaynayso meeshii lagugu Guumeysan lahaaā€¯

Rejo-Beer,

W/Q: Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso