Xilka uu ummada u hayo ayaa ka mudan Xubinnimada Xisbiga Ucid

Khilaafku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha halaaga sababa ee ummadi ku qarqarnto isla markaana cadhada Alle iyo Cadaabkiisaba lagu mutaysto Xabiibkeenii Nabiyulaahi Muxamed ayaa inooga digay khilaafka oo inugula dardaarmay in laga fogaado ka Muslimiinta dhexdooda Xadiisna inoogu sheegay in Khilaaf dartii Ummado dhan loogu halaagay “ Laa takhtaliguu fatakhtalifa qablakum suma halakuu” halkaa waxa ka muuqada in naftu ku halaag mudanayso meesha khilaaf yaalo hadaan xal laga gaadhin waajibna ay tahay inaad geedi dheer ka guurto si aanaad ugu halaagsamin,waynu ognahay oo in ka baddan 5 Sanno ayuu Xisbiga Ucid khilaafku jiray oo masuuliyiintiisu is haysteen Khilaafkaasi qayrkii ayuu Ucid ka reebay oo wuu saqiiriyey aakhirkiina laga garab u kala jabeen bilowgii 2016 ayaa Gudida diwaangalinta ururada siyaasada iyo Asxaabta qaranka Somaliland ayaa qabatay dawcad Xisbiga Ucid labadii garab ee uu u kala jabay ka dhaxaysay muddo ka dib go’aan ayey ka soo saareen, garab ayaa ku qanci waayey oo badhtamihii isla 2016 ayey haddana Maxkamada sare ka gar-naqday khilaafkaas go’aana ka soo saartay haddana way ku qanci waayeen oo khilaadkoodii wuxu gaadhay heer ay saxaafada iska caayaan Laba shir-waynaha ku baaqaan oo kala qabsadaan Aakhirkiina ay kku danbayso in Garabkii Jamaal Cali Xuseen meesha ka baxo oo Gudoomiye Faysal iyo intii taabacsanayd fagaaraga Ucid isugu soo hadhaan.

Faysal Cali waraabe Heshiis qoran oo Bulshada iyo saxaafadaba loo soo bandhigay ayuu Jamaal la galay hadh-cad iyo Hotel Maansoor “AL MUSLIMUUNA CALA SHURUUDUHUM” heshiiskaasi halkuu ku danbeeyey waynu ognahay oo markhaatiyo ayeynu dhamaanteen ka nahay maalintii Musharaxa Eng Faysal Cali waraabe loo doortay inuu waxba kama jiraan ku tilmaamay iyo Heshiis maalin la baahnaa lagu dhaafaayey oo Wabi uun lagaga talaabaayey maantana isla Faysalkii iyo Xisbigii Ucid ee sidaas falay ayaa dacwad Xisbi dabada ka riixaaya oo leh Xildhibaanu ayaa heshiis Xisbi iyo mid xeer No14 nagaga baxay oo shalay markaad heshiiskii iyo balantii Jamaal ka baxayseen ee waliba qowlka aan muslinimo ka muuqan qiilka uga dhigayseen ma Dal iyo Duni kale ayeynu joognay oo laynugu xisaabinaayey mise isadaan doono ayaan yeeli ayuu xaalkuba yahay oo la jiifiyaana banaan la jiijiyaana banaan ayaad Somaliland u haysataan.
Maayir C/Shakuur wuxuu ka cararay oo u adkaysan waayey khilaadkaa aan Caqliga iyo Cilmiga ku dhisnayn sharcigana waafaqdanayn, Cayda iyo canbaaraynta ay is huwinayeen masuuliyiintii Ucid, Maayir C/shakuur iyo maayirada kaleba waxay qaateen taladii, tilmaantii iyo waanadii Nabigeena ee ahayd Khaliifka ka fogaada waxay eegan kari waayeen waxaa ummadihii inaga horeeyey lagu halaagay ee Khilaafka ah, Maayir C/shakuur iyo Xildhibaanada kale ee Ucid ka soo baxay Xisbigu muu dooran oo Xil uma dhiiban xoolo uu Xisbigu leeyahayna kaanbaynka umay adeegsan sidoo kale Cod meel Xisbiga Ucid ugu xidhnaana hadyad ahaan looma siin C/shakuur iyo qayrkii oo kursiga kumay fuulin,ee Dedaal ay iyagu sameeyeen iyo dadkii dooranaayey oo daacadnimo ku ogaa, dareen iyo Doonis xildhibaanada Gollaha Deegaanku ku matalayeen shacbigii soo doortay iyagoo kala Xisbiyo ah ayuu Maayir C/shakuur Cidin iyo kuwa kaleba ku noqdeen, Intaanay Musharixiin Xisbi noqon waxa ka horaysay inay ogolaansho iyo kalsooni ka soo qaateen dadkii dooran lahaa kaliya Ucid waxay ka heleen Xubinimada ay ku tartamaayeen Maal iyo Muruq kale muu Galin Xisbigu, Maayirnimada may ahayn se Kursi uu Xisbiga Ucid xaq u lahaa oo doonis Xisbinimo loogu soo xushay isla Faysal Cali waraabe iyo Madaxda kale ee Ucidba may soo xulan nimankan.
Waxaan ayaan daro ah oo tacab qasaara in maanta masuul dad soo doorteen oo cod shacab Kursi ku helay ummadana mata aayar la yidhaahdo badalkiisii ayaanu keenaynaa isagoo Nool oo aan ka Maarmin kana caajisin u adeegida dadkii soo doortay, sharciga maanta uu Ucid leeyahay waanu marinaynaa C/shakuur maxay u dhawri waayeen maalintii ay siday doonaan u fasiraayeen oo kolba dhinacay doonaan kaga imanaayeen, Illahay SWT masuul kasta kulama xisaabtami doono xeer Xisbi oo uu jabiyey ee wuxuu kula xisaabtami doonaa xilka uu ummada u hayo siduu u gutay iyo waajibkii saarna siduu uga soo baxay Maayir C/shakuur Cidin degmada laga soo doortay ee uu masuuliyadeeda qaaday sida uu ugu adeegay caad ma saarnay inta mashruuc ee uu ka filiyey tiro ma leh wadooyinka uu dhisay qaar kalena dhamaystiray iyo siduu u dayac tiray ee uu kor ugu qaadayna lama qiyaasi karo, arimaha bulshada si hagar la’aan ah ayuu u horumariyey, kabka uu siiyo Goobaha waxbarasho iyo kuwa Caafimaad waa baddan yihiin, ninka intaas iyo in kaleba wabtay waa daciifnimo iyo damiir la’aan in la yidhaahdo Xisbi ayuu ka baxay ee xubinimada ka xayuubiya kuwa sidaas ku doodayaana dadka iyo dalka horumarkiisa ma jecla ee hagardaamo ayey ku hawlan yihiin mar haddiiba ay ku foogan yihiin curyaaminta Masuulka waxqabta.
Waxaan ku talin lahaa in doonista shacabka iyo ciday doorteen laysu daayo oo aan sidii xoolaha la odhan hebel anaguu noo xidhan yahay oo haduu xayndaabkayaga ka baxo waanu xabisaynaa xil-ka xayuubina waanu ku samaynaynaa oo xubinimadii Xisbiga waanu kala noqonaynaa, kaliya waxa quman in masuulka xisbiga iyo xafiiskaba laga kaxeeyo markuu xilkiisa gudan waayo xeerarka dalkana waxa fiican in taas bud-dhig looga dhigo oo aan dan Xisbi la eegin ee dan shacab la eego masuulka dadkiisa sidi fiican ugu adeegaayana laga qabto la hadhka dan Xisbi uun eegaaya sidaas ayeynu ku samaanaynaa oo horumar iyo badhaadhe ku gaadhaynaa Dal ahaan iyo Dad ahaanba.
Qalinkii: Maxamuud Axmed Hirsi ( Baar-cad)
Contact: 063-4447924
Email: Mfigo04@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso