Maxaad Ka Ogtahay:Labada Baahiyood Ee Isbarkan Iyo Kaam Kaam Ku Dulyaal?.Q/1aad Qalinkii Maxamed Moto

Bulsho Waxay Horumar Higsataa Marka Ay Tahay Mid Ay Nooshahay Maskaxdooda Iyo Muruqooduba
Xiligan Aynu Joogno Dalka Somaliland Waxa Ka Jira Baahi Aad U Weyn Oo Ah Baad Iyo Biyo Waxa Taa Barbar Socota Baahida Shidaalka Soo Saaristiisa .
Waxaan Ka Warqabnaa In Guud ahaan Xaalada Abaareed Ee Ka Jira Gobolada Bari Ee Somaliland Ay Gaadhay Inay Noolihii Dabjoogta ahaa Iscunaan Noloshuna Ku Si Adkaanayso Maalinba Maalinta Ka Danbaysa.
Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Iyada Oo Og Waqtiga Jira Waxay Taagsi Ku Wadaa Dadka Aad Aragteen Taagtooda Iyo Tamartoodaba Waxay Ahayd In Si Qaran ah Gurmad Guntiga Loo Xidho Laakiin Gurmad Daayo Waxa Gawda Lagu Hayaa Dhul Gawaan ah Iyo Dhir Engegtay Duunyadii Daaqi Lahaydna Duntay Dadki Lahaana Kamam Ku Urureen ,Waxaana Laga Dul Taagay Kaamam Shidaal Lagu Sahaminaayo.
Qof Walba Oo Caqli Lihi Waa Garanayaa Inaanay Xiligan Suurta Gal Ahayn Baadhis Shidaal Iyo Baahi Shidaal Oo La Soo Saaratoona.
Wasiirka Macdanta Oo Malaayiin Dollar Ku Qarashgaraynaya Baadhista Shidaalka Miyaanu Ahayn Qof Damqanaya Oo Inuun Dareenkisu Nool Yahay? Waa Kee Damiirka Ku Odhanaya Dadkaaguna Ha Madhaan Adigu Dantaada Gaadh?
Waxaan Guud ahaan Shacabka Degan Dhulka Laga Wado Sahaminta Shidaalka Ee Ay Tahay Waxa Keliya Ee Ka Soo Gaadhayaa Siigada Boodhka Iyo Muranka La Dhexdhigay Ugu Baaqayaa Inay Arrntaa Si Midaysan Uga Soo Horjeestaan Oo Aanay Marnaba Yeelin Masanuunin Lagu Meelmariyo Laguna Baabiiyo Hantidoodii .
Sidoo Kale Waxa Jirta Hanti Boob Kale Oo Ay Samaynayaan Ajaanibka La Leeyahay Shidaal Ayey Baadhayaan Iyaga Oo Si Tuugonimo ah U Guranaya Macdanta Dalka Oo Aanay U Meeldayeyn Wax Kale Iska Daayo Mulaca Ay Naf Ka Dayayaan Ileen Waa Jayniiskaan Garanaynee.
Guntii Iyo Gebagebadii Dadka Iyo Dalka Midna Dan Uma Aha Baahi Soo Korodha Iyo Kaam Kaam Laga Dul Sameeyo.
WA BILLAHI TAWFIIQ
Qalinkii Maxamed Moto
Burco Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso