Madaxwayne-Kuxigeenka JSL, Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Oo Daah Furay Mashruuca Sannadlaha Ah Ee Horumarinta Dawladaha Hoose Ee Dalka (JPLG).

Hargeysa(ToggaHerer)Madaxwayne Ku-xigeenaka Jamhuuriyadda Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa saaka furay mashruuca sanadlaha ah ee  horumarinta dawlada hoose ee dalka ee loo yaqaano (JPLG) .

Mashruucan oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay’ada UN Habitat ayaa lagu soo ban dhigay Bajadka ay sannadkan u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka isagoo bajadkanina ka badan yahay kii sannadkii hore .

Afhayeen u hadlayay hay’ada UNHabitat ayaa sheegay in Mashruuca JPLG-gu yahay mashruuc faa’ido tiro badan u leh guud ahaan Somaliland  isagoo xusay in dhankeedana Jamhuuriyadda Somaliland ay si wayn ugu guulaysatay hab nidaameedka shaqo ee mashruucan isagoo ugu baaqay dalalka gobolka iyo hay’adaha Caalamiga ahba inay wax ka bartaan Somaliland.

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu mashruucaasi furay ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbad uu kaga hadlayo faa’idada uu mashruucani u leeyahay qaranka waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa shanta ha’yadood ee ku midoobay mashruucan,Ilaahay mahadii maanta waxa ay noo soo gudbiyeen miisaaniyad sanadeedka 2017-ka taas oo aynu wax kaga qaban karno baahiyaha ay dawladaha hoose soo qorteen,iyadoo aynu kala horaysiinayno baahiyaheena oo ay kaw ka tahay dib u dhiska dawlaha hoose iyo maamuldaadajinta maadama sannadkanu yahay sannadkii u danbeeyay ee wajigii labaad afartan degmo ee ay hawshu ka socoto mashruuca saddexaad ee (Face Three) waxa aynu awooda saari doonaa labada Gobol ee aanu gaadhin mashruuca JPLG-gu ee Sool iyo Sanaag sidaa awgeed anigoo ku hadlaya afka dawlada waxaan deeq bixiyayaasha ka codsanayaa inay tix geliyaan baahiyaha ay dawlada hoose noosoo gudbiyeen, dawlada dhexena miisaaniyada ayay ugu dartay wixii kaga soo hagaagay mashaariicdan “ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Ku simaha Madaxwayanaha JSL ahna Madaxwayne Ku xigeenka Qaranka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso