Sharciga Somaliland Ma Masakiinta Iyo Inta Danyarta Ayuu Qabtaa??

SHARCIGA SOMALILAND MA MASAKIINTA IYO INTA DANYARTA AYUU QABTAA??

Marka hore waxan ku bilbaya ASALAAMU CALAYKUMU WARAXMA TULLAHI WABARAKATU.

salan ka dib dhaman akhristayasha sharafta badan meelkasta oo aad aduunka ka jogtaan Waxan qormadan yar ee koban ku so dul mari doona muwadiniinta reer somaliland ee xuquuqdii iyo dareen cabirkooda laga qaday ama midkii isku daya dhib ku dhacday ama qof kale inu ka xog-warama u mutaysta in la xidho.

Amase fikir uu aminsan yahay oo uu wax ka saluugayo hab maamulka dawlada ama ha noqoto meelo ganacsi oo gaar loleyahay ku dhalilayo dhibaato ka jirta ama tacadi lagula kacaayo qof ka mida shaqalaha ama qof macmiil ka ah goobaha aynu kor kuso sheegnay .

Wax yaabaha layaabka ah ee aad ku dhex arkayso bulshada somaliland marka aad aragto ama ad darasad ku samayso mararka qaar waad yaabaysa oo waxa ku qabanaysa war dalkan iyo dadkan yaa u miciina ama u dad ah. Balse dadka intiisa badani wuxu yidhahda illah ha ino gargaaro iyago talada illah u daynaya balse iyado taasi wanagsan tahay inaad wax walba illah u daysid hadana illahay Subxana watacallah wuxu ku yidhi wa inaad ficil la timaada oo aad dhaqdhaqaaq samaysa.

Bal adiga oo caqligaga iyo maankaga la ka shanaya cadalad darada ka jirta wadankeena inta ay leegtahay ama halka ay marayso hadii aad doonto inaad ogato adiga oon isba dhibin waxad tagta laba goobod , oo kala ha:-

1: maxkamadaha somaliland
2: Saldhigyada somaliland

Labada gobood waa melaha aad ka ogaan karto in cadalad iyo cadaalad daro ka jirto wadanka wana labada dadka shacabka ugu dulmiga badan yihiin hore ayan u maqli jiray mahmaah tidhahda ” miskiinba misko la fuulo leh” waaba sida ay tahaye goobahas waxad arkaysa inta qof dan yar ah ama qof muwadina uu ku tagrifalayo mid hantiile ah ama qof dawlada awood ka haysto oo lagu muquninayo lacag iyo awood sheegasho oo uu danbi aanu lahayn iyo dhib aanu awodin dusha laga sarayo.

waxad arkayso hooyo masakiin ah ama aabo miskin ah oo aan awodin in uu la gorgortamo ama iska celiyo nin masul ah ama nin ganacsade ah oo dhul ama hantii anu lahayn ku haysta masakinta oo aan cid hoos u eegaysa ama cid wax u qabanaysa jirin. Oo kii wax dulminayey sida lo horboodaya loguna raxlaynayo inta yar ee lacagta u sinayo oo uu wado cad marinayo hoyadii masakinta ahayd ama aabihi miskinka aha.

Walow iminka ay wax badan iska badaleen dhaqamadii caynka aha hadana wali wax badan aya dhiman oo wali u bahan in dib u habayn iyo wax ka qabad lagu sameyo.

Mucjisooyinka kale ee aan aadka ula yabo waxa ka mida qof mu wadin ah oo aqoon yahan aha ama dhalinyarada ah aya waxa uu dhalilaya qaabka ama hananka ay xukumadu wax u mamusho ama shirkad ka mida kuwa waweyn iyada oo aan loso marin habsharci ama waraq warana lo keenin aya inta habeen madow laso werero gurigooda uun lagala bodaya walibana logu daraya jidh dil iyo hanjabaado isago yaban aad yar saldhiga lagu turaya.

Mudo marka uu ku jiro oo ay qoyskisu mudo iska daba meraan ama ay u dhaxeyaan saldhiga iyo cida so xidhay aya ilaa ay gadho oday dhaqmeed ama qof adeerki ama tolyihiin oo madax sare ahi kaso daminto ama kaso daayo aan cid sidaynaysa jirin halka mararka qaar ay gaadhaba in madax furasho lagu so daayo qofkaas.

Dartuurka jamuriyada somaliland wuxu damanad qaday xuquuqda muwadinka iyo habka fikir gudbinta waxana ku cadaynaya qodobadan dastuuriga ah:-

QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYADAKA.

1: Qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo si aan xeerka wafaqsanayn.
2: ma babnaana in qofna laqabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan marka dambi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan kusoo saarin garsoore awood u lihi.
3: Dawlada ayaa muwadiniinta u damanad qaadaysa xuquuqda iyo xoriyadaha. Xeerya qeexay ciqaabta ka dhalankarta ku xad gudbidooda.
4: Dhamaan xorriyadaha qofka waxa shardi ah in ayna ka hor imaan xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuds qofka kale.

Marka inta laga yimado ee qofka donaya in dalkisa iyo dadkisu horumaran ee arkaya dhibka iyo ku tagrifalka awooda dawladnimo ay mamulanayso inta ugu tunka weyn sida ay doonto , ogow in aan wax horumar ah oo so kordhaya anu jirin iyo guul uso hoyata.

Dhalinyarada wadanka jogta dhamantood way dhiban yihiin balse midna kama hadli karo dareenkisa xorta ah ama fikirka uu ka amisan yahay hab mamulka dawlda ama mid gar ahaneed.

Balse marka sidas dadka lo cabudhiyo ama lo dhibateyo waxa imanaysa ayaan aan la kantoroli karin dhibka ama dadka la cabudhiyey oo ay iska dul qadi donan heeryada iyo awood shegashada la isku awoood sheganayo.

Dhibatooyinkas na waxa kaliya oo lagaga baxaya iyado uu shaqeeyo sharciga iyo kala danbayntiisu oo ka u weyn iyo ka u yarba uu qabanayo sharcigu balse inta xaalku yahay aniga atoore ah wallee guli wa wali.

Wuxuu yidhi Abwaan WEEDHSAME:-

Sharcigan wadhatada ganaaxa
Wasiirkana gool u looga
Sharcigan gabay maatadiisa
Af-miishaarkana gunneeya
Sharcigan kii galay abaalka
La gawdhshee gebagebeeya
Sharcigan lagu guulwadeeyo
Sharcigan uu gado macdaarku
Sharcigan geneyoow agoonta
Gidaar seexshee gumeeyey
Sharcigan kii ginida haystay
U siiyey dan-guud badheedhka
Sharcigan nabadana u guuxa
Wixii gubayana jideeya
Sharcigan beentuna gef weyntay
Runtana gurigeeda biiyey
Sharcigan dadka lagu gabraarto
Dantoodana dhacan ku giijay
Sharcigan geerida ka ooya
Haddana noloshii galaaftay
Sharcigana gaarida ammaana
Goonbaartuna derejo dhaanto
Sharcigan dusha laga gudboonyey
Salkana lagu kala gol-roonyey
Sharcigan booliga gasiinta
Xalaashana tola galkeeda
Sharcigan geed weyn ka soomay
Gudmaha yacaygana u haysta
Sharcigan horumarka gardaadsha
Haddana himiladu gamaarto
Sharciga guushana u heesa
Haddana aan dhalinin goolka.
Sharciga saddex gole ka kooban
Haddana guri qudhi istaadho
Sharcigan kud markaad ka guurto
Qanjaha loo galab carraabo.
Sharciga jajabkii gumaaday
Sharciga gabankiisa toogta
Sharciga ii qoda gammaada
Sharciga galladiyo abaalka
Rasaas ku gudee la eeday
Sharciga garanwaaga beera
Sharciga gofanaha barbaarsha
Sharciga gudhan ee gabloolay
Bal eeg goldalooladiisan
Inaad garataa canaantay.

Wa billahi tawfiiq.

:Maxamed Saleebaan Cumar (Maxamed Axbaabi)

Email: axbaabi12@gmail.com
Axbaabi75@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso