Guul Wadaha Dahsoon Ee Qaranka W/Q:Maxamed Xuseen Jaamac

Marka aad maqasho eratga guul wade waxa judhiiba maskaxdaada ku soo dhacaaya taliskii macangaga ahaa maxamed siyaad barre iyo dhaqankii dawladii kacaanka ahayd xiligii ay gayiga soomaalida ka talinaysay ee ay sida awr qoodh ah dhibi shaxanaysay.

Taliskaasi waxa uu lahaa koox qaab ciidan u samaysan oo aan ahayn ciidan booliis ,milatari ,nabad sugid ama ciidan asluubeed inta aan ku hayo war dhagoolka waxa ay qaadan jireen surwaal gaaban shaadh gamco gaab ah koofiyad iyo budh gaaban.

Waxa loogu talo galay buunbuuninta ,amaanta iyo dhiiri galinta kacaanka soomaaliyeed ,waxa ay qaabilsanaayeen wacyi galinta iyo ka dhaadhicinta hurumarka uu sameeyey iyo guulaha uu gaadhsiiyey umada soomaaliyeed.

Waxa kale oo u dheerayd basaasida iyo dhagadhagaynta cidii ka soo horjeeda kacaanka.
Heesihii loo qaaday ee lagu xasuusto waxa ka mid ahaa”(waxaan nahay geeshka guuree galab caraaba
Waxaan nahay kuwo aan gamaynoo gaadh ahoo gogolna doonin
Guul wadoow siyaad aabihii garashada guul ma noo horseeday)”.

Hadaba erayga guul-wade waa qof ku sifoobay in uu noqdo kabo qaad qof kale isaga oo ku talax tagaaya amaantiisa ,buunbuunintiisa xataa mararka qaar gaadhsiinaaya kana dhigaaya wax aanu ahayn.

cirweynaa miyaanu dhergayn ma haan gun la’ baa!

Soomaalidu sideedaba uuma haystaan qofka xil loo magacaabo ee qaranka taladiisa wax ku yeeshaa in uu yahay adeegay loo igmaday in uu bulshada u adeego inta uu xafiiskaa joogo masuuliyadiisana sida uu waajibku faraayo uuga soo baxo.

Aan hoos uugu soo daadago dulucda iyo halka aan u socdo waxa marag madoon ah in uu madaxweynuhu cugtay kana doortay bulshada adeegayaal uuna dhiibay shaqo iyo hinilo aragti dheer oo uu rabay kuna taami jiray in uu mar uun qarankan waxa kaga beegan intii taagtiisa ah meel gaadhsiiyo.

Waxa is ka caadi noqotay in wasiiradii loo dhiibay xafiisyada bulshada looga adeegi lahaa ay ku jiraan wax aan shaqadii loo dirtay ahayn uuna baydhayn hab guul-wadenimo iyo amaan aan kala go lahayn oo ay had iyo goor warbaahinta la taagan yihiin.

Waxa ay qabaan wer wer iyo cabsi moodayaan in aanay sii joogayn hadii ay guul-wadeen waayaan kuna mashquuleen wax aan looga fadhiyin.
Waxa ay qabaan wer wer kaas oo qasbaaya in ay ka ag dhawaadaan madaxtooyada oo ay maalin walba tuban yihiin iyaga oo xafiisyadii shaqo u taalay.
Hadiiba isku shaandhayn maqlaana waaba ay sii kordhiyaan guul wadenimada waaba ay sii dararaan ileen hadii ay aamusaan kaasi inalama socdo ayaa la odhane.

Kaba sii darane imika waxaaba socota mid casri ah kiraantuna waxa ay isku badashay dhinaca kale kadib markii ay doorashadu soo dhawaatay shinida boqorkeedii waxa uu dhoqday hogaamiyaha xusbiga kulmiye oo dhamaan hareera boodayaan kadin walba ay la tuban yihiin amaantiisa.

Maaha amaan niyada ah oo aan la wehelin laakiin sideenaba daba ka war war iyo bari maxay noqon iyo maxaad cuni bay ku soo ururtat aragtideenu waxa loo garab boodayaa beri marka uu xilka qabto xil ha kugu taxo ee yaan mar qudha amaan mooyee wax kale lagaaga gayn.
Taasina waa ta keentay in aad aragto nin weyn oo masuul ah oo waxa uu ku hadlaayo caruurtu ku hadaaqin , lana yaabaysid .

Waxa haboon in aynu ka gudubno cudurkan ka badbadinta ah ee keenay in aynu sidaa u amaano qof shaqadiisa gudanaaya oo ah adeegay qaran.

haddii qofkastaa shaqadiisa u qabsan lagaa si daacada ah oo aynu dayn lahayn madaxdan aynu amaanayno waxa uu masuul kastaq dareemi lahaa in uu yahay adeegay bulsho oo uu hayo shaqo gudashadeeda waajib ka saaranyahay.

Maxamed xuseen jaamac
Ababiye 11@gmail.com
2250634410447

Advertisement

Ku Xayeysiiso