Farmaajo oo la kulmay Boqorka Sacuudiga

Riyaad- 23, Feb, 2017- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray waddanka Sucuudiga, kaddib markuu caasumaad rasmi ah ka helay boqorka Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz Aala Sucuud.

Madaxwayne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyaad ku soo dhaweeyay Amiirka Riyaad Amiir Faysal Bin Bandar Ibnu Cabdicasiis, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Riyaad Daahir Maxamuud Geelle iyo Diplomaasiyiinta Safaarada ka tirsan, waxaana soo dhaweyn kaddib loo galbiyay qasriga Madaxtooyadda Sucuudiga.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa qado loogu sameeyey isaga iyo waftigiisa qasriga Al-yamaama, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyadda Amiir Maxamed Bin Naa’if Binu Cabdicasiis, golayaasha Wasiirada, Baarlamaanka ( Al shuura), Taliyaasha ciidamada ugu sareeya iyo qaar ka mid ah Culimada diinta dalka Sucuudiga.

Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada Amiir Maxamed Bin Naa’if iyo qaar ka mida golaha Wasiirada Sacuudiga, waxayna labadan masuul ka wada hadleen, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasada iyo Arimaha Bulshada.
Ugu dambayntii Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu kulamo kale oo gaar gaar ah la qaato Mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso