Tacsi Xisbiga Kulmiye u dirayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Qaasim Xaashi

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Qaasim Xaashi oo maanta taariikhdu tahay 22/02/2017.

Marxuum Cabdi Qaasim waxa uu kamid ahaa odayaasha iyo waxgaradka reer Somaliland ee doorka kasoo qaatay dib u dhiskii dalka, isla markaana horumarka dalku sida weyn uga go’naa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso