Guddoomiye Cirro oo Booqday Afar Garoon oo Ku Yaala Degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Heybe Dawladdana Ku eedeeyay in ay Ka Goysay Birahii Lagu Ciyaari Jiray Kubadda Fariina uu u Diray Xukuumadda

Hargeysa(ToggaHerer):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaayeen madaxda garabka dhallinyarta ee Xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa galabta shalay galabnimadii kormeer ku soo maray sida oo kale na soo booqday Afar garoon oo ku yaala degmooyinka Maxamuud Heybe iyo Maxamed Mooge oo dawladdu ay ka goosatay birahii ay dhallinyartu ku ciyaari jireen kubadda.

Booqashadan uu guddoomiye Cirro ugu tagay dhallinyarta, ayaa noqotay mid aad uga farxisa isla mar ahaantaana ay si weyn ugu soo dhaweeyeen garoomaddaas oo kala ahaa garoonka Maxamuud Axmed Cali, garoonka Guryo-samo, garoonka Seyladda iyo weli ba garoonka Maxamed Mooge, waxaana ay halkaas uga xog warameen dhibbaatooyinka ay ka cabanayaan iyaga oo Xukuumadda KULMIYE na ku eedeeyey in ay si aada u dayac day dhallinyarta ku nool xaafadahan.

“Xisbiga WADDANI, waxa aanu uga mahad-celinaynaa sida dareenka leh ee uu maanta nooggu yimi sida oo kale uu nooggu soo booqday garoomadii aanu ku ciyaari jirnay, markaa guddoomiye dhibbaatada na haysataa waxa weeye in birahii garoomada ee kubadda aanu ku ciyaari jirnay in laga goostay, dawladdan KULMIYE dhibbaato mooyaane wax ay nagu haysaa ma jirto, markaa anagu waxa aanu balan qaadeynaa in aanu u codeyno WADDANI, mar haddii kuwii hore aanu waxba ka weynay xaafad ahaan.”.Ayuu yidhi mid ka mid ah dhallinyartaasi.

Siyaasi Mingiste oo isna ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay: “Waxa aanu ka xun nahay in garoomadii xaafadahani lahaayeen laga goostay birahii ay ku ciyaari jireen dhallinyartu, runtii aad iyo aad baan u cambaareynaynaa, waxaana aanu ugu baaqeynaa wasaaradda dhallinyarta iyo Ciyaarahu in ay si deg-dag ah garoomadan ugu soo xidho birahii ay caruurtu ku ciyaari jireen.”.


Xoghayaha garabka dhallinyarada WADDANI Aftax Siciid Jaambiir oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada uga xun yahay dhaqankan cusub ee ay ku kacday dawladdu, waxaana uu dhalliilo xooggan u soo jeediyey agaasimaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo uu sheegay in aanu waxba u tarin xaafaddii uu ka soo jeeday.

“Waxa aanu joognaa oo aanu nimi garoonada Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe oo runtii birahii laga wada jaray, weli ba garoonka Maxamed Mooge wuxu ahaa garoonkii ugu horreeyey ee laga gooyey biraha oo muddo sannado gaadheysa ba garoonkaasi bilaa biro ayuu ahaa, dhallinyaradii ku ciyaari jirtayna laba qeybood bay u qeyb sameen oo qaarna balwad baa ay bilaabeen kuwii kale na way ka tahriibeen wadanka. Markaa yarka weli ba agaasimaha ka ah wasaaradda Ciyaarahu waxa uu garoonka u jiraa wax aan ka badnayn boqol talaabo se inta uu meelaha kale isku sawiraayo kama war hayo xaafaddiisii iyo xaaladdeeda.”.Ayuu yidhi Aftax Siciid Jaambiir

Xoghayaha duulista iyo hawada ee Xisbiga WADDANI Siyaasi Nuuradiin Diini iyo guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aad uga xun yihiin waxa ka dhaca garoomada Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe, waxaana ay fariin adag u direen mas’uuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyaga oo ugu baaqay in ay garoomadan si deg-dag ah ugu soo celiso birahii ay ku ciyaari jirtay caruurtu.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa ayaa tilmaamay wixii ay indhahooda ku soo arkeen, waxaana uu fariin u diray xukuumadda KULMIYE isaga oo ugu baaqay in ay birahii dib ugu soo celiyaan garoomadan Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe.

“Waxa aanu soo marnay Afar garoon oo kuwa lagu ciyaaro kubadda cagta ah oo ka mid ah Maxamed Mooge iyo Maxamuud Heybe oo birahii laga goostay, odeygii halkan ka hadlay baa warka dhammeeyey oo yidhi dhallinyaradii markii laga goostay birahii waxa ay nagu haystaan shaxdii, markaa meel ay ku ciyaaraan bay waayeen, birahii ay ku ciyaari lahaayeen waa ay waayeen, markaa waxa aanu ugu baaqeynaa qolooyinkii biraha goostay in ay biraha soo celiyaan, garoomadaas aanu soo marnay ee bilaa biraha ahi waa wax cusub oo weligay maan maqal garoon kubaddeed oo biro laga goostay oo dawladdu ka goosatay birahii oo haddii la odhan lahaa tuug baa goosatay waxba may ahaateen se waxa la lee yahay dawladdii baa goosatay oo saddex sano ba halkani biro lagu ciyaaro kubadda may lahayn, waxaana weli ba la lee yahay waxa ay goosatay waa saq dhaxe Afartii habeenimo, markaa dawladda waxa aanu lee nahay haddii aydaan garoomada wax ku soo kordhineyn oo roogii cagaarnaa aydaan keenaynin biraha uun ha loo daayo oo biraha ha loo soo celiyo, dhallinyarada na waxa aanu lee nahay iska samra isha Allah oo haddii ay Xukuumaddu biraha soo celin weydo anagaa biro idiin keeni doona haddii Alle idmo.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso