“Saldhiga Laga Sameynaayo Berberi , Waa Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa.”.Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa(ToggaHerer):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay dhibbaatada iyo weli ba sida oo kale khatarta uu lee yahay saldhiga Milatari ee Imaaraadku, waxaana uu tilmaamay in saldhiggaasi aanu ahayn mashruuc horumarineed balse uu qeyb ka yahay dagaalka ay wadamada Khaliijku kula jiraan Yeman oo uu sheegay in gelitaanka Somaliland ay uga baahan tahay ka fiirsi badan isaga oo sida oo kale na hal ku dhegga bidaari sibiq bay kugu gashaa u soo qaatay kuna sifeeyey dhibbaatada ka dhalan karta saldhiggaasi.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka qeyb-galaayey xuska xaflad ballaadhan oo loo sameeyey maalinta dhallinyarada Somaliland oo ku beegnayd maalintii UFO ee 20ka February, waxaana uu ugu horreyn hambalyo, boggaadin iyo dardaaran ba uu u diray dhallinyarta Somaliland isaga oo sida oo kale si gaara u xusay dhallinyartii UFO una duceeyey intii ku geeriyootay maalintii dhagaxtuurka ardeydii UFO.

“Waxa farxad ii ah in aan ka soo qeyb-galo munaasibaddan weyn ee sida wanaagsan loo soo agaasimay ee ku astaysan maalinta qaranku u asteeyey dhallinyarada jamhuuriyadda Somaliland, waxaana si gaara u xusayaa dhallinyarada ay ka dhalatay fikraddaas in la aas aaso ee dhallinyarada UFO oo aan inta halkan joogta u mahad-naqaayo, taariikhdooda in la xusana ay mudan yihiin, intii ka dhimatayna Alle ha u naxariisto, aniga oo aad u xusaaya Barre oo ka mid ahaa dhallinyartii halkaas ku dhimatay maalintaas. Waxa kale oo taariikhdeena inagu waajib ah in aynu si wanaagsan uga bogano, dhallinyaradeena na ugu gurmano, dhallinyarada na waxa aan u soo jeedinayaa in ay niyadda u furaan taariikhda halkan laga ga sheekaynaayey. Waxa aan boggaadinayaa dhammaan dhallinyarada jamhuuriyadda Somaliland oo aan ku boggaadinaayo maalinta dhallinyarada ee 20ka February , markaa aad baan u hambalyeynayaa runtii.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan wixii mashaariic horumarineed ah ee dalka laga sameynaayo balse Saldhigga Milatari ee Imaaraadku aanu ahayn Mashruuc horumarineed isla mar ahaantaana uu u baahan yahay ka fiirsi badan.

“Dhallinyarooy berigii hore idinku maydaan dhalan e’ ruwaayadahii berigii hore la dhigi jiray waxa ka mid ahayd ruwaayad la odhan jiray bidaari sibiq bay kugu gashaa, markaa waxa aan lee yahay saldhiga laga samaynaayo Berberi waa bidaari sibiq bay kugu gashaa, waxaana aad ka warqabtaan in wadamada khaliifka aynu saaxiib nahay, waxbay taraan Somaliland na waa run , laakiin dalalka Khaliijku sida aynu ka warqabno waxa ay galeen dagaalka Yeman, anigu markaa waxa aan is lee yahay qolyahaa wadamadu khaliijku hada waxa ay lee yihiin tolow yaa idin ka saara dagaalka Yeman, markaa nimankaasi dagaalka ay lee yihiin Ilaahow yaa idin ka saara, waxa aan lee yahay in Somaliland loo keeno waa arrin si gaara ugu baahan in looggu fiirsado, waxaana aanu qabnaa in Saldhiga Milatari ee Imaaraadku aanu ahayn mashruuc horumarineed oo anagu wixii mashruuc horumarineed ah si weyn baanu u soo dhaweynaynaa, wixii wadanka wax taraayana aad baanu u soo dhaweynaynaa se waxa aanu lee nahay waar Saldhiggaas Milatari yaanu noqonin Bidaari sibiq bay kugu gashaa.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Advertisement

Ku Xayeysiiso