Fariin ku Socota Madaxweynaha Somaliland.

 

Mudane Madaxwayne dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo dad iyo xoolaba lagu leeday.Malaayiin xoolihii dhaqaalaha ugu badan kasoo gali jiray Somaliland ayaa ku baxay abaartan.

Intii soo hadhey xanuuno ayay la ildaran yihiin madaxwayne, xaaladu waxay gaadhey in xoolihii caruurtii baad ka dhigtaan.Madaxwayne waxaa dib usoo cusboonatay xaalad nabad galyo daro oo ka taagan Ceel afweyn iyo deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Mudane madaxwayne Xukuumadaadu saldhig milateri ayay imaaraatka Carabta ka siisay magaalada Berbera kaasi oo dadka badankiisu kasoo horjeedo.

Mudane madaxwayne Caasimadii Biyo yaraanbaa ka jirta iyadoo dadka qaar ay laayihiin biyo afkii loo cabo.Mudane madaxwayne qaar ka mida saldhigyada dalka waxaa ku xidhan suxufiyiin, abwaano, salaadiin iyo dad shacab ah.Mudane Madaxwayne dadkii waxaa saameeyay Sicir barar, iyadoo maciishadii kor u kac ku yimid.

Mudane madaxwayne Go’aanadii aad soo saartay ee lacagta doolarka halkoodii lagama soo qaadin.Mudane madaxwayne Baddii abaarbaa ka dhacday Kaluunkii wuu Guurey oo wuxuu u biyo doontay meelaha roobku ka Da’ay.

Mudane Madaxwayne kaluumeysatadii Berbera khaatiyaan ayay iska taaganyihiin maayirkii oo Bilic usoo hoos galey, waddadiina ma mari kartaan leh.Mudane Madaxwayne ganacsatadii yaryareyd ee Suuqa Hargeysa dawladii hoose iyo Booliis ayaa sidii Bahalada u ugaadhsanaya.

Mudane madaxwayne Wiilkii aad sodoga u aheyd ayaa dadkii hadal hayaan siddii Moorgankii Siyaad Barre.Mudane Madaxwayne shacabkii ku doortay way niyad jabsan yihiin madaxweynihii ayay baadigoobayaan habeen iyo Maalinba mudane Madaxwayne Xagee Joogtaa ee aad dalkii ku ilowday?

Madaxwayne adigaa lagu doortay, adigaa madaxwayne ah, adigaa shacabka lagaala xisaabatamayaa maalin kale, Madaxwayne dadkaaga la hadal oo dhibta, rafaadka, cadaalad darada, Silica, Gaajada, Haraad iyo Diifta la qaybso.

Madaxwayne muraayada cagaaran iska saar oo dalka iyo dadka caadi u eeg markaad dhexmareyso.

Madaxwayne dadku umma qurux badna sida inta kugu xeeran ee Suudhka iyo Baabuurta qurxoon kula agjoogta.

Dadkii Noloshii ayay la liitaan, Madaxwayne maka warqabtaa in Qoys madaxtooyada 1KM u jira oo guriga wasiirka madaxtooyadana u jira 200M ay gaajo daraadeed Bisado u Qasheen.

Madaxwayne dadku waa kuwii ku doortay ee aan kaa seexan jirin habeen iyo maalin.

Madaxwayne adigu ma ogtahay dhibtey kugu qabaan Shacab, maalin ayaad kasoo baxaysaa aqalka, waddooyinka waa lagu wadda xidhaa 7 subaxnimo, waad taqaan dhakhtar weyn intuu u jiro qasrigaaga, Hooyo umuleysa ayaa u dhimata wadada oo kuu xidhan oo meel kasta laga gooyey. Dhaawaca halisa ayaa adiga awgaa u dhiman kara ileyn meeshii la marinayay adigay kuu xidhantahaye.

Madaxwayne Sidan wax ka badal kuwani waa kuwii ku doortay, waa kuwaad madaxwaynaha ku tahay, shacabka Somaliland haddaaney jireen madaxwayne maad noqoteen, Madaxwayne dalkii iyo dadkii aad odeyga u aheyd maaha sidii aad xaaladooda ku ogeyd la dareen noqo oo la wadaag dhibaatada haysata.

Berbera qaylo ayaa kasoo yeedhay ee aamuusii dadka.

Wajaale Ciidamo Liyuu booliis la yidhaahdo ayaa dadkii ku baadhanayay dhulkii Somaliland.

Hawd,maayirkii ayaa Ciidamo shisheeye ka qafaalanayaan Gudaha Somaliland.

Laascaanood iyo deegaano kale oo ka tirsan Sool rasaas baa ka yeedhaysa habeen iyo maalin.

Ceel-afweyn Bandoo ayaa dadkii lagu rogey.

Sanaag Gaajo iyo Haraad ayaa Xoolo iyo dadba loo dhimanayaa.

Badhan Biyo Sumoobay ayaa dadka qaarkood u dhintey.

Coodanle Shuban ayaa loo dhimanayaa.

Qorilugud Jadeecad ayaa dadkìi farabaas ku haysa.

Koonfurta Hargeysa dadkii way ka barakaceen.

Hargeysa Budhcad iyo Booliis aan is dhaamin ayaa qabsaday.

Rashid Mohamed Shabeleh oo Hodan Cabdule dhashey ayaa cadaalad daro ka cabanaya oo dalkii laga sheegtay.

Madaxwayne dhibaatooyinkan iyo kuwo kale ayaa dadkii haysta haddaanad waxba ka qaban karin u sheeg shacabkii ku doortay oo dheh “ma awoodo” oo Xilka iska casil, Haddii kale dadka ugu shaqeee siddii aad ugu dhaaratay 27 July 2010.

Share garee si fariintani u gaadho madaxwaynihii aynu dooranay amma gacan yarayaashiisa.

W/Q: Ilyaas Cabdi Cali

Ilyasdable@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso