Gudaha Ka Eeg :Siciid Ibraahim Faarax Oo Iska Cassilay Xubinimadii Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo Iyo Sababaha Ku Kallifay Oo Uu Cadeeyay .

Siciid ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay Xafiiska War-qabadka Ee Togaherer ku cadeeyay in uu iska casilay Xubinimadii, Waxaanu qoraalkani u dhignaa Sidan :-

 

 

Tariikh. 14/2/2017                                                                                                      Hargeisa

 

 

Ujeedo : Iska Casilaad Xubin Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin :

Salaan kaddib,  Anigoo Ah Said Ibrahim Farah ahna xubin ka mid ah Gudida Guud ee beesha DAAUD ISMACIIL (CIIDAGALE) , waxa aan halkan ku cadeynayaa in aan iska casilay xubinnimadii  guddida Guud ee beesha Ciidagale ee Sahan Barwaaqo , taas oo  laga bilaabo maanta aanan ka mid ahayn. Hadaba , haddii aan qaar ka sheego sababaha igu kalifay in aan iska casilo  xubininmada  gudidaas  waxa ay kala yihiin ;

Maamul xumaan baahasan oo kala ah

  1. Ujeedo la’aan , qorshe la’aan
  2. Xibsaabtan laaa;n
  3. Isku xidhnaan la’aan iyo kala socod,
  4. wada shaqayn la’aan
  5. ku milan siyaasadeed kaas oo la kawsaday dhismihii Guddida.
  6. Waxqabad la’aan iyada oo waxyaabihii gudida loo igmaday ee horumarka beesha wax aanu ka qabanay aanay jirin , balse kuwii socoday ay istaageen sida dhismihii wadada cad ee Hargeisa – Salaxley, arrintaas oo ay musuuliyadeedana ay leeyihiin xubnaha hogaanka guddidu  , kaddib markii ay joojiyeen dhammaan wada shaqayntii iyo xidhiidhkii ay la yeelan lahaayeen hayadaha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba ee horeba ay gudidii naga horeysay u soo waday.

Sidaa darted, Kaddib  markaan arkay in aanay gudidan hogaankeedii sidan noqday  ku gaadhaynin fulinaynina waxyaalihii ay  bulshada beeshu naga filanaysay ee ay noo igmatay , Nasiib daro waxa aan go’aan ku gadhay in aanan ka sii mid ahaanin xubnaha guddida beesha ciidagale ee Sahan Barwaaqo

waxaanan u rajaynayaa in iyagana xubnaha kale ee gudida illaahay garansiiyo  Xilka ay dusha ku sidaan.

 

 

Allaa Mahad leh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso