Daahir rayaale guul soo hooyay,silaanyana guul soo hooyay waa haddaan la is xaasidayn!!!!

daahir rayaale guul soo hooyay,silaanyana guul soo hooyay waa haddaan la is xaasidayn!!!!

madaxweyanihii hore ee jamhuuriyada somaliland,ee loogu yeedhi jirey mudana daahir rayaale kaahin waakii dalka keenay gabadh u fadhiday arimaha mandiqada geeska ee ka socotay qaramada midoobay wakhtigaas, lana odhan jirey  jandaya farays taasi oo dhowr saacadood kasoo dagtay  madaarka hargaysa dabadeedna la qaataday kulano aad u gaaban xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidkaba,wakhtiaa walow ay jireen guux badan haddana waxay u noqotay taariikh  waana waxyaalaha la odhan karo intii xukuumada haysay waa waxa lagu xasuusan doono.dhanka aqoonsiga diblumaasiyadeed.ama u dhawaanshaheeda ama wadadeeda
sidoo kale dawlada silaanyo waxa ay heshiisyo laba  ah keentay dalka hadday noqoto heshiiskii  hore iyo mashruucii dpworld,iyo waliba arinta muranka wayn dhalisay ee ay ka biyo diideen mucaaridkeena sharafta leh badhkood oo ugu horeeyay mudanaha dalkeena mudana cirro.

aduunyadu waa masaaliix maanta haddaad tagto caasimada ethiopia,waddooyinka ugu badan waxa dhisa waa sacuudiga,isaguna wuxu ku badashaa masaajido u ka dhiso dagaanada ugu badan dhulka muslimiintu ay ka dagaan.

waddooyinka cajiibka ee badanaaba ethiopia laga arko waxa dhisa waa sacuudiga isagoona u xilsaara,niman u badan indho yar adis ababaan ka hadlayaayee.

haddana waxaan leeyahay waxa kaliya ee laga cabsi qabaayuun ama mudanayaasheenu ay leeyihiin haddiba ay dhibi dhacdo ama ay dhibaato soo gaadho bulshadeena yaa damaanad qaadayo.haddaba waxaan dawladeena ka codsan inay taas fahfaahin ka bixiso cabsadii laga qabi karo ama feedback aas waxaan maqaalkagay maanta kusoo xidhayaa anigu waxaan u arkaa in xidhiidhka inaga iyo imaraadka ino dhaxeeyo in khayr laga fisho,bal dhankaa wanagsanuun aynu ka eegno maqaalkaga maantu waa intaas salaam

hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso