Somaliland Waxay U Sansaan Eegtahay Markabkii ”Titanic” Kol Haddii Berbera Iyo Baddii Lawada Tagay.

Muwaadin dhab ah waxaad tahay markaad dhex joogtid dad aan aqoonsanayn muwaadin nimada aad sheeganaysid…Berrigii aanu dhex joogi jirnay ardayda somaliyeed eenu isku jamacadahanahay ayaa waxa ugu badan ee laysku laayo ee ardayda loogu gar niqi jiray waxay ahayd Somaliland wayjirtaa iyo ma jirto .. reer keliye dowlad ma noqdo iyo wuu noqonkara.kkkk ..Markan halkan kusoo noqdayna waxan la kulmay reer kii keli ahaa ee cillada  nalooga dhigi jiray oo WAARSO IYO NAATO AH, ..IYO Umaddii kale ee ballaadhnayd ee qaranka la lahayd oo fajacsan oo dawanaysa dagaalka qabow ee waarso iyo naato udhexeya  ee waliba askarta iyo qabqablayasha ugu wayn ayka yihiin aqoonyankii iyo dhalinyartii ahayd mustaqbalkii, rajadii iyo madaxdii berre ee jamhuriyadan yare e lawada necebyahay, markaasbaa waxaa kuusoo baxaysa maxsuul ah inaynu saaranahay Markabkii waynaa ee “TITANIC”.

 Aragtidayda shaqsi ee ku saabsan saldhigan Berbera waxaan anigu aamin sanahay inuu EMARTSKA IYO carabtan yar ee sidedaba military ahaan awooda darani inay tahay uun Egent si yaroo ku meel gaadh ah loosiiyey oo waliba ay siiyen MARAYKAN IYO RUUSH OO AH QUWADAHA ADUUNAKA  ee ukala danbeyey saldhigan illaa imikadana ah kuwa ka arimiya ee hubkoodii xitaa ku aasan yahay iyagana inooga khibrad badan carabtanana  siyaroo ku meel gaadh ah ooy ugu tala galeen uun xaalada yemen ee carabtu qaybta ka tahay inay ku shaqaystan uun loogu tala galay ee waxaan ugu baaqi laha ummadan Somaliland:-

  1. In odayasha dhaqanka ee deganka gobolka saaxil ee dhaqan ahaan joogitanka ciidamadu saamaynkaran ay iskugu yimadan shirbaladhan oo dhaqan oon siyaasiyin ka qayb ahayn kana soosaran XEERAR DHAQAN oo ay iskaga xakamaynayaan wixii anshax xumo iyo dhibaato ah eey ku kacaan ciidamadaasi intay deganyihiin meesha oo waliba iyagu gacantooda kaga soosaxeexan madaxda ciidamadas ee lasoo jaarka noqonaya, dowladuna waa inay ku ixtiraamta odayasha dhaqanka sida dowladaha adduunka ee waawayniba ay u ixtiraman xeerarka iyo heshiisyada dhaqanka ee ummadi samaysato ee xeer hoosadada ah.
  2. Dagalkii labad ee aduunku markii uu dhamaday waatii WAARSO IYO NAATO IYO Dawladihii kale een kamidka ahayn xulafaysigaasiba isku yimaaden eek u heshiiyeen inuu adduunku nabad ahaado samaystana wax ay kumidaysanyihiin ooy u bixiyeen qaramada bidoobay e, inaguna si aynu u badbaadino qarankeenan yar waa inay WAARSO IYO NAATO iyo beelaha kale ee balladhan ee qarankan qaybta kulehba intay isku yimadan dawlad structureleh oo midow dhab ah oon ahayn kii 91kii oo kale e , wax umada uwada cuntama oo laysku aamino waa in lasamaysto si dhibta iyo dheefta qarankan loogu wada sinnaado.
  3. Dhaliinyarta iyo aqoonyahanku waa inanay kukala milmin, qaybna ka ahaan siyasada wakhtigan oo Dilaalin waawayn qaarna xukunka imika u hayan qaarna usoo tafa xaydanayan , taas oo rajo xumo ah Illaahay oo inoo naxariista oo madax daacada ina siiya mooyane.
  4. Waxaan kaloo dhalinyarta xasuusin lahaa Somaliland dhalinyarbaa ugu badnayd dadkii xoreeyey manta dhalinyarbaa safka hore kaga jira kuwa burburinaya ee qabyaladu kala qaybisay ee inagu manta waxaynu u baahanahay kacdooon ka dhan ah qabyalada ooynu ka badbaadino nabadaynu wada hadhsanayno ee sharafta ku leenahay.

Mashruucan yarna wuu iskasoo dhamanaya oo baarlaman iyo mucarad wax inooga qabankarana majirane, maraykan iyo ruushbaa carabta berbera ka kireeyey, waxaanay u eegtahay 25 kan sano eey ku wareejiyeen inay ku sal gooyeen intay soomliya cago isku taagaysay e, aynu beenino oo Somaliland oo mid ah dhisano .

Markaa siyaasi, maalqabeen,xidhibaan, aqoonyahan ,sheikh iyo shariifba waligaaba fikta sare ee markabka usii bax oo afkasii buuxso masaakintuna dabaqa hoose haka qayliyaan maruunbaa lawada degayaa haddaan wadankan lawada yeelan oo lawada badbaadsan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso