Somaliland Maanta Abaartii Colaad Ayaa Loogu Daray

Somaliland Maanta Abaartii Colaad Ayaa Loogu Daray

Somaliland waa dal madaxbanaanaa muddo 26 sanno ah marnaba gurmad iyo taageero  bani,aadanimo iyo mid dhaqaale kamay helin dawlada imaaraadka carabta ee saldhiga rabta waxa kale oo wadamada  jaamacatul carab  lasaftaan kana shaqeeyaan danaha  Somalia oo Somaliland maanta kamadax banaantahay hadaba maanta markii ay imaraadku inoo imaadeen waxay inaga dooneen saldhig militari,wadamada isbahaysiga ee sucuudigu hogaaminayo ee ladagaalamaya  xuutiga yemen dhamaan waa dawlado dhaqaale leh militari ahaana dhisan bad cir dhul, waxa kale oo ay dhamaantood haystaan hub casri ah oo dawlad kasta ay iskaga celin karan balse Somaliland waa wadan awood yar oo aan u dhisnayn ama awoodooda ciidanka cirku u habaysnayn sida wadamada duulayaa u dhisan yihiin mahaysano awood weerar cirka diyaarado inoo fuliya iyo qalabkii kadifaaci lahaa ama ay kaga qayb geli lahaayeen weerarka cirka ee laysku hayo,nin gurigiisa laga duulayaa nabadi way kadheertay ninka lagu duulayaana caano inoo soo lisi maayo halka gantaal lagaga tuuro dhanka kalena gantaal ayay ku tuurayaan,berbera iyo sanca waa isu muuqdaan dhaqaalaha dalka 60% waxa uu kasoo baxaa berberaoo bada cas kutaala yemena deris aynu nahay maaha meel goob dagaal laga dhigo waaayo wadamada dagaalamaya nin waliba raashin uu cuno ayuu lasoo baxaa waana amni goobohooda ay wax kalasoo baxaan inagana maanta waxa golaha barlamku inoo ansixiyeen in dhuuntii aynu kunoolayn ee wax inoo soo marayeen  goob dagaal laga yeelo manay qiimeyn xaalada dalka maanta kujiro xuutiguna waxay haystaan gantaalo lid dhaadheer oo iiraan ku caawisay oo masafo dheer gaadhaya sida wararku sheegayaana waxa iran si qarsodi ah ugu keentay (Intercontinental plastic missile) gantalo qaradaha ka gudba hadaan maanta arintaa khatartaa aynaan kafiirsan way inala fogaan waxaana calaacalku noqon hunguri maalintuu iqaaday hubsiimo miyaan ilaabay,shacabkuna waa inuu isu soo bax silmiya oo 6da gobol ah oo laga midaysan yahay waa inay kasameeyaan waayo waa arin wadata khatar, qaraxyo wadanka ka bilaabma.

Hadaba sababta keentay in colaad aan korodhsano maxaa sabab u ah yemana ganacsi soo jireen ah iyo is dhex gal ayaa inaga dhaxayn jiray somalidu waxay ku maah-maahdaa hunguri wad ma arko guushunu labada xulafo ee ishaya miday  raaci ma,ogin

Dhanka kale waxay arintani keeni kartaa qaraxyo qorshaysan oo wadankan lagusoo jiheeyo sida maalin walba kadhacda wadamada carabta.

Hadaba shacabka nabada haysta waxaan usoo jeedin lahaa yaan siyaasi danaystii nabadiina kuciyaarin waxa kaliya ee aan maanta iibinaa waa nabadgelyo geeska afrika aan kajirin taasna maanta khatarbay ku jirtaa taladuna maantay inala gudboontahay hadii alle ina garan siiyo nina nabad gelyo kuma doorsan karo lacag, faa,iidada lacagta yaan la,eegine khatarta iyo khasaaraha lagala kulmi karo hala eego,waxa dhici doonta in berbera duulaan laga samayn doono duqayna waa in beriberi diyar u noqotaaiyo s/landba.

Gebagebadii  Labada gole barlaman ee s/land talaabaday maanta qaadeen shacabkoodii intii wax garanaysay meelkastay joogaanba way ooyayaan halka xildhibanadii labada aqal ee Somalia ficilkay sameeyeen iyo go,aankay qaateen maanta keenay in caalamka somalidii joogtay ilaa hada damaashaadka iyo farxada iyo dabaal degoodii la xakamayn kari la,yahay iyagoo u ducaynaya mudanayaashoodii guusha qaatay ee guul darada ka tegay.

Hadaba  inta u codaysay waa 144  taariikh madow ayaa u taala iyaga iyo ubadkooda aduunkana waxa laga qaadaa waa wax iskayar alle iyo aakhirana waa dambaysaa fidmada wadanka aad u horseedaysaana nebigu scw wuxu yidhi fidnadu way hurudaa cida kicisa alle ha nacdalo waa mid aydaan sinaba uga baxsanayn  waxaan usoo jeedin lahaa ilaahay ka baqda umadan jilicsan ee abaarta iyo sixirbararku dishooday ha,ugu darina col waxaanan leeyahay col iyo abaar s/land maanta ma wada qaadi karto ee dib halooga noqdo saldhiga laga duulayo waayo manfaca yar waxa kawayn dhibaatada ka ratibmaysa,waxaanan u hambalyeynayaa  xildhibaanadii sida wadaniyada lahayd uga damqatay una diiday ansixinta fidmadan anigoo gudomiyaha barlamanka ugu horaysiinaya.

Wabillaahi Tawfiiq

Abdulkadir Farlow Xaashi

Title:     Falanqeeye arimaha siyaasada.

E-mail.  Xaashi74@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso