Gudaha Ka akhri : Khudbad Sanadeedka Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)

Hargeysa(ToggaHerer)Axad, 12/02/2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta labada Gole u akhriyey khudbad nuxurkeedu ku saabsanaa ansixinta iyo meel marinta heshiiska Saldhiga Imaaraadku ka soo codsaday dawladda Somaliland, Markii Madaxweynuhu khudbadiisa dhamaystay waxay labada gole si wada jira ugu codeeyeen meelmarinta heshiiska Saldhiga oo ay u codeeyeen 144 mudane waxaanu ku dhawaaqay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland in uu sidaasi ku ansaxyahay.

Khudbada Madaxweynuhu waxay u dhignayd sidan:-
Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,
“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”.
Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta hortiina imaado.

Waxa ii qorshaysan oo aan ku talo jiraa dhawaan, insha Allaahu, in aan labada gole u jeediyo khudbad sannadeedkii 7aad, taas oo aan ku lafo guri doono wax-qabadka iyo siyaasaddayda ku waajahan arrimahan soo socda:

1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
2. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
3. Abaaraha.
4. Doorashooyinka.
5. Ka Hortagga Qiima-dhaca Shillinka Somaliland.
6. Adkaynta Nabadgelyada.
7. Garsoorka iyo Cadaaladda.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal

Aniga oo cuskanaya Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobkiisa 38aad, faqradiisa 5aad, iyo 6aad (t) oo qeexaya fadhiyada wada-jirka ee labada gole. Waxaan u dalbaday fadhigan aan caadiga ahayn ee labada gole, in aan idiinka xog-waramo, isla markaana aan idin soo hor-dhigo Nuxurka Heshiiska Aasaaska Saldhigga Milateri, ee Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ina weydiisatay.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Waxa hubaal ah, in aynu ummad ahaan gaadhnay guulo waaweyn, tan iyo intii aynu la soo noqonay madax-bannaanideenii 1991-kii. Waxaynu ugu horreyn dhidibbada u taagnay, deganaanshihii iyo nabadii dalkeena, inaga oo xurgufihii iyo xaqtimihii dhexdeena ku xallinay hab-dhaqan oo xirfad leh. Talaabadii xigtay waxaynu taabo-galinay haykal iyo hannaan dawladeed, kaas oo leh shuruuc iyo kala danbayn. Waxaynu yagleellay qaran curdin ah, oo dunida tusaale u noqon kara. Waxaynu Jilnay, oo suurtagalinay in aynu mataanayno, isla markaana midayno, dhaqankeenii soo jireenka ahaa, iyo nidaamka ku dhisan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah, ee dunida horumartay ku dhaqanto. Muddadaa rubuc qarniga ahayd waxaynu ku tashanay maskaxdeena, maalkeena iyo muruqeena oo qudha. Gobtu waata aan abaal ka dhicine, inkasta oo dunidu aanay inaga taageero madhnayn, haddana waxa xaqiiq ah, in beesha caalamku aanay inoo hagar bixin, isla markaana aanay inoo hiilin.

Shaki kuma jiro, in aynu dedaal badan gelinay in aduun-weynuhu garwaaqsado, xaqa aayo-ka-tashiga iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland. Hase yeeshee, wali lagama midho-dhalin himiladaa aynu hayaanka dheer u soo galnay. Waxa hubaal ah, in aynaan weli helin aqoonsi buuxa, oo aynu dunida toos kula macaamili karno, taasi waxay ina dhaxal-siisay in ay inagu adkaato, helitaanka Deeqo iyo Deyman aynu dalkeena ku dhisno. Ma nihin ummad intaa ku niyad-jabaysa ama ku quusanaysa, balse waxaynu nahay bulsho bisil oo dulqaad u leh, sida looga dabaasho duruufaha qadhaadh.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Arrimahani waxay ina dhaxal siiyeen dhibaatooyin aan xad lahayn, oo ay ka mid-yihiin shaqo la’aan baahsan iyo in aynu gaadhi wayno horumarkii aynu guul-galka u ahayn. Sidoo kale, dhibaatadani waxay sababtay in da’yartii qarankan, qaybo ka mid ahi tahriibto, oo badaha iyo baaxad sooraha beegsato. Dhinaca kale, waxay sababtay sicir barar, dhaqaale xumo, iyo wax-soo-saar la’aan.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda “Maalinba Awr baa dhaamiya”. Sidaa darteed, maadaama aan ahay hoggaamiyihii ummaddan, waxaan u arkay waajib dushayda saaran, in aan dadkayga ka samata-bixiyo xaaladdan iyo duruufahan ku xeeran. Si dhibaatada loogu helo xal rasmi ah, waxay xukuumaddaydu xoog saartay, in baadi doon loo galo sidii loo heli lahaa maalgashi caalami ah, oo shaqo abuur iyo koboc dhaqaale hor-seedi kara.

Waxaan aamin-sanahay in soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, ay tahay dariiqa ugu habboon, ee aynu maanta danteena ku gaadhi karno. Waa ayaan darro in rag waaweyni wadhaf u soohdaan, inay didiyaan ama gaagixiyaan Geelii hadba la damco, in ummaddan loo godlo. Waxaan leeyahay, wallee Muruqa laba suulle, ninba si ku ah. Waxa hore loo yidhi “waxaan caano iyo nabad ahayn, waa la kala qaadaa”. Sidaa darteed, waxaan uga digayaa Shacbiga Somaliland in uu ku dhaco xannuunka horumar nacaybka iyo maalgashi diidka ee ay dadka qaarkii qabaan.

Dareemadan baa-saysiga iyo belaayo sheega xambaarsani, maaha kuwo inagu cusub, hase yeeshee, waa kuwii asaageen inaga reebay, xilligii gumaystihii ingiriisku dalka ka talinayey. Waxa xusid mudan, Jaamacadihii iyo Dugsiyadii xiligaa la inoogu talo galay ee aynu diidnay, waxa loo raray oo ay maanta ka dhisan yihiin Dalalka Sudan iyo Uganda. Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxaanu ku guulaysanay, in qaar ka mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee dunida shidaalka baadha, ay sahamin ka bilaabaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, waxaannu guryo keenay Shirkadda Caalamiga ah ee DP World, oo aynu la galnay heshiis lagu balaadhinayo Dekedda Berbera. Waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee meel-mariyey Nuxurkii Heshiiska Maalgashi ee dhex-maray Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland. Waxaan ku kalsoonahay in heshiisyada maalgashi ee aynu ku dhiirannay, ay qarankeena u horseedi doonaan bash-bash iyo barwaaqo.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Waxaan idiin cadaynayaa, in Dawladda Imaaraadka Carabtu, ay Xukuumaddayda waydiisatay inay ka samaysato Saldhig Milateri Magaalada Berbera. Noloshu waxay ku dhisan tahay, wax is-dhaafsi iyo dano la wadaago. Sidaa darteed, Saldhiggan Milateri ee aynu siinayno Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan u arkaa in ay inoogu jirto faa’iidooyin iyo masaalix badan.

Mashruucan, waxay ujeedadiisu tahay in aynu isku-danaysano, waxna is-weydaarsanno Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaynu bixinaynaa Saldhig Milateri, qaran ahaanna waxaynu dhaafsanaynaa wax-weyn oo inoo dan ah.
Haddii aan is dul-taago qodob ka mid ah mashaariicda la inoo fulinayo, waxa ka mid ah dhismaha jidka u dhexeeya Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) oo dhan 250km. Wuxuu ku kacayaa 250 Milyan oo Dollar, marka la eego daraasaddii iyo naqshaddii ay sameeyeen khubaradii dawladaha midowga yurub inagu caawiyeen, waxay cadaynaysaa in halkii KM uu ku kacayo hal milyan oo dollar. Mudanayaal, waxaynu baadi-doon ugu jirnay 16 sanno sidii aynu u heli lahayn kharashka ay ku kacayso, wadadaa hal-bawlaha u ah nolosheena. Nasiib darro abaal iyo amaah toonna ku waynay. Mudanayaal, waxaynu maanta u baahan-nahay in aynu kasbano saaxiibo badan oo aynu iska kaashanno siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada, horumarka iyo maalgashiga dalkeena dihin ee danbarku dushiisa jiifo. Dhinaca kale, waxaynu u baahan-nahay in aynu ilaashanno saaxiibadii iyo bah-wadaagtii hore ee aynu lahayn.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Waxaan ahay hoggaamiyaha ugu da’da weyn, isla markaana ugu waaya-aragnimada balaadhan, Madaxda Mandaqaddan aynu maanta ku nool-nahay. Sidaa darteed, xil iyo waajib weyn oo Odaytinnimo, ayaa iga saaran in aan u miidaan-dayo arrimaha saamaynta ku leh guud ahaan gobolka. Haddaba, ma aaminsani in mashruucani uu dhibaato iyo dhiilo ku soo kordhinayo guud ahaan mandaqaddan, gaar ahaanna geyiga Somaliland. Waxaan leeyahay ragga belada dalkan iyo dadkan u saadinaya, waar belo kaa maqan looma yeedho.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Waxaa hortiina yaala nuxurka heshiiska lagu aasaasayo saldhiga milateri, oo ka kooban 15 Qodob, kaas oo la saxeexi doono marka aad ansixisaan. Heshiiskan, wixii su’aalo aad ka qabtaan, waxa sharax iyo tafaasiil idinka siin doona Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Madaxtooyada. Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal, aniga oo ka faa’iidaysanaya kulankan, waxaan jecelahay in aan halkan ka hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dhawaan dooratay, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Dawladda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa, nabadda, horumarka, iyo dhismaha dawladnimada dalka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed. Dawladda Somaliland, waxay dunida u cadaynaysaa in ay tahay dal madax-bannaan, oo aan ka mid ahayn, maamul goboleedyada ku midoobay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxaannu cadaynaynaa, in aanu diyaar u nahay in khilaafaadka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, lagu xaliyo wada-hadal ku salaysan run iyo xaqiiqo. Ugu danbayn, waxaan uga digayaa Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa in uu faro-gelin ku sameeyo Midnimada iyo Masiirka Shacbiga Somaliland, taas oo ay ka dhalan karto colaad iyo cawaaqib xumo.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Waxaan idiinka mahadcelinayaa, sida qadarinta iyo xishmada leh ee aad ii dhagaysateen, waxaanan idinka codsanayaa in aad dhiiri-galisaan horumarka iyo mashaariicda maalgashi, ee aynu unkayno. Gun iyo gebo-gebo, waxaan ku guubaabinayaa dhammaan Shacbiga iyo Golayaasha Qaranka in ay u gurmadaan, gargaarka iyo taageeridda dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Mar kale, Mudanayaal, waxaan idiinka mahad-celinayaa sida hagar la’aanta ee aad qarankiina ugu adeegtaan habeen iyo maalinba.

Allahayow Tubta Toosan, Nagu Hanuuni

Allahayow Talada Wanaagsan, Na Waafaji

Allahayow Ma dooran Karnee, Adigu Ta Wanaagsan Noo Door

Allahayow Noo Naxariiso, oo Roob Na sii.

Waad Mahadsan Tihiin

Galad Eebaa Leh, Guulna Qarankeenaa Leh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso