“Xukuumadda Iyo Aragtidayda Bidixda Fog” Cabdinaasir Axmed Abraham.

Waxa aan rumaysanahay in qofku xaq u leeyahay fikirkiisa ku aaddan geesta uu iska taagayo aragtidiisa uu ka qabo xukuumadda. Maadaama xukuumaddan Kulmiye ay hantidii qaranka qaddar aad u badan ku kasbato “Guul-wadayaal,” waxa aan dareemay in miisaanku dhinacaa u ciiray oo meesha aad furta ba aad ku arkayso in xukuumadda laga ammaanayo, warbaahintii oo dhan baa gacanta xukuumadda ku jirta oo ku wardiyaysa ammaanta xukuumadda, wali ba xukuumadda oo dhan maahee shakhsiyaad gaar ah. Madax-dhaqameed, ururadii arrimaha bulshasha, rag iyo dumar iyo yar iyo weyn ba, waxa aad mooddaa in ay dantooda gaar ahaaneed ka arkeen, raali-gelinta,ka qoslinta iyo ammaanta madaxda shilimaadka gacanta ku haya;
Intaas markii aan arkay ayaan jecleystay in miisaanka dhinaca bidix aan ka soo cusleeyo, waxa aanan ka badheedhaa goor iyo ayaan, qoraalladayda xag-jirnimada iyo mayal-adaygu ka soo burqanayo. Waxa aanay Soomaali hore ugu maahmaahday, HAN-GARAARAC LUG UMA DHUTIYO. Dawladduna waa sidaa oo kale oo mar haddii dadka xooggiisii ay madiidin ka dhigatay, midh midhka sidayda oo kale, meelahaa wax ka tuurtuuraa wax badan yeeli maayo. 
Waa tan aragtidayda bidixda fog ee xukuumaddu;
1. XUKUUMAD AQOONTA KA MAARAN TAHAY; Wali maan arkin, xukuumadda oo mashruuc inta ay dadkii ehelka u ahaa iskugu yeedhay oo dood, lafo-gur iyo cilmi baadhis kaddib ummadda u soo bandhigaysa oo inta ay si mug weyn u sharraxdo shacabkeeda ka dhaadhicinaysa inta xaglood ee mashruucaasi dheef uga leeyahay dalka iyo dadka, sidaa na ku hir-gelinaysa. Waxa se aan laba iyo saddextoona ahayn in aqoon u baahan, sidii DP WORLD oo kale ay oday-dhaqameed iyo dad juhala ah ku laaluushtay in ay warbaahinta istaagaan oo xukuumadda ku taageeraan; dadyowgaa xukuumaddu adeegsanayso qaarkood xataa, magaca mashruuca ma karayaan. Waa mararka ay ii soo baxdo in xukuumaddu aqoonta ka maarantay iyo in ay dhiiri-geliso jaahilnimada iyo afku-xooglenimada.
2. XUKUUMAD MASHAAKILAADKA DHAQAN-DHAQAALE TARMISA; Casrigan aan joogno dawladnimadu nolosha waa u laf-dhabar, waana wax lagu soo hirto, mid lagu kala badbaado, mid wakhti,maal iyo muruq ba galisa sidii ay badhaadhidhi lahaayeen ummaddeedu. Dawladnimada waxa loo samaystay in ay mashaakilaadka nololeed ee jira xalkooda baadi-goobto. Xukuumaddaydu se way kobcisaa oo tarmisaa mushkiladaha.
3. XUKUUMAD CASHUURTU KAGA BAAQATO SHIRKADAHA UGU TUNKA WAAWEYN: Cashuurtu waxa ay ku baaqataa kuwa dakhliga ugu badan ummadda ka dheefa, kuwii ay ahayd in cashuurta ugu badan laga qaado, kuwa ciidanku ammaankooda ilaaliyaan.
4. Xukuumad aan sahan lahayn oo ku-tidhi ku-teen ummadda ku rarta.
5. Xukuumad waayo-aragga aan waxba weydiin.
6. Xukuumad cilmi iyo caqli aan midna adeegsan. 
7. Xukuumad rabitaanno lagu wado. 
8. Xukuumad barbaarkeeda aqoon yahanka ah darbi-jiifisay.
LA SOCO…

Advertisement

Ku Xayeysiiso