Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan: Farriin ku socota Madaxweyne Farmaajo

Marka hore waxaan kugu hambalyeynayaa xilka madaxweynenimo ee ay kuu doorteen baarlamaanka Soomaaliya. Waxan kuu rajaynayaa in aad noqoto kii ka taga taariikh wanaagsan dadkiisuna ka helaan wixii ay ka filayeen.

Waxaad tahay siyaasi muddo gaaban ku jiray saaxadda siyaasadda oo aan weli si dhab ah loo tijaabin marka laga reebo muddadii koobnayd ee aad Ra’iisal-Wasaaraha ka ahayd Soomaaliya. Golaha Baarlamaanka oo meteleyey dadkaagu waxay kugu doorteen khudbadihii niyadsamida ahaa iyo dhaqankii aad la timid intii aad sharaxnayd. Hadda waxa ku hor yaalla imtixaankii runta ahaa oo ah in aad ficil ku muujiso wixii aad ololaha ku gashay.

Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland guushaada way kugu hambalyeeyeen. Waxaanad noqotay madaxweynihii koobaad ee Soomaaliya lagu doorto oo ay Somaliland hambalyeyso.  Waxaanu kaa filaynaa in aad si qoto dheer u fahanto waxa ay u taagan tahay Somaliland oo aad ka baydho isla markaana aanad wakhti ku lumin dhallanteedkii ay kuwii kaa horreeyey isku maaweelin jireen.

Waxaad og tahay in Somaliland ay 26 sannadood tahay dal gaar ah oo madaxbanaan. Intii aanu Soomaaliya ka mid ahayn iyo inta aanu ka maqan nahay haatan way isku dhaw dahay. Khaladka ugu weyn ee aad gali kartaa waa in aad ku fikirto in dadka Somaliland aanay dhab ka ahayn qaddiyadoodu ama in aad isku daydo in aad faro-gelin ku samayso madaxbannaanida Somaliland taas oo madaxweyneyaashii kaa horreeyey ku guulaysan waayeen. Waxaanu kaa filaynaa in aad raacdo dariiq cusub oo ka duulaya rabitaanka shacabka.

Ugu dambayn waxaan kugu boorinayaa in aad wada-hadallada inoo dhaxeeya dhab u qaadato isla markaana dhabbada u xaadho sidii xal dhammaystiran oo waara loogu heli lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

Wasiiru-Dawlihii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland

Hargeysa, Somaliland

drrashid108@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso