Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa ‘DAREEN SHACAB

Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa ‘DAREEN SHACAB’, wuxuuna soo baxay 9/2/2017, waxaanu ku saabsan yahay doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee 8/2/2017 ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, gabaygan oo uu tiriyay abwaan Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf Cabdiraxmaan Xiiray, wuxuu ku bilaabmay sidan;

  1. Mowliidoow dereenkii jiraa kiciya duufaane
  2. Markaasey darroortaa murtidu sida daruuraa’e
  3. Anna gabaygan deelka ah waxaan diiradda usaaray
  4. Een maanta dabaqa uga rogay maaxda igu duugan
  5. Ee igu dirqiyay maansadaan kuu dulmarayaaye
  6. Duub oo u wari aadamaha dunida guud jooga

 

  1. Inkastoo markuu qarankii dumay noloshu diiq gaadhay
  2. Inkastuu dagaalkii ehligu dad iyo maal qaaday
  3. Inkastuu umulo doox dhacoon docina noo cayman
  4. Iskastoo la daaduumayoo debedda loo yaacay
  5. Inkastoo qaxoontiga dayacan dayro laga muujay
  6. Uu baladka daashaday hoggaan dabanyay uurkiisu
  7. Ooy gaalo noo doorayeen ka u danaynaaya
  8. Dadkeyguna halyeygay wataan laga dulguuraayay
  9. Oo talada loo dabo fadhiyay dowladdaha jaarka
  10. Fasalkii shaluu doorsamoo daayinkeen rogaye
  11. Damicii shisheeyuhu watiyo dabinkii beenowye
  12. Dayaxbaa usoo baxay dadkiyo dagalkii soomaale
  13. Samaduu kasoo dagay nasrigu sida dabeyllaa’e
  14. Qofkastoo damiir lihina taa wuu ku diirsadaye
  15. Daran doorri sow ina xamdiga loo dikriyo maaha?

 

  1. afartaa dubbeeyaye haddaan daafkale u leexdo
  2. oon xaajo ii dihin furfuro idinna deeqsiiyo
  3. Baarlamaanki lagu duufsan jiray duunyadiyo maalka
  4. Ee dabo martayn jiray walihii diinta lagu dhaarshey
  5. Ee daadahayn jiray ninkii galinba jeeb diirran
  6. Ee gudimo daabkeed uhaa faranji soo duulay
  7. Ee doolar lagu iibsan jiray doorkan laga guurye
  8. Goleyaal dalaal muujiyoo daacadaa yimide
  9. Way deedifeeyeen waxaan dani ku dheehnayne
  10. Dereenkii shacbiga way mareen inay u doodaane
  11. Qofba wuxu dadkiisa u qabtaa waa daliil qorane
  12. Dun xariira iyo bay noqdeen dahab masaalkiiye
  13. Hambalyiyo ducay mudanyihiin inad u diiqdaane
  14. idimka alle derajey ku heli labada daaroode

 

  1. afartaa dubbeeyaye haddaan daafkale u leexdo
  2. oon xaajo ii dihin furfuro idinna deeqsiiyo
  3. Nimankii kursiga doonayiyo doorashada foodka
  4. Ee inay dalka hogaamiyaan rabay dubaaqoodu
  5. Markii shalay darkii lagu kulmee calaf ninkii deeqay
  6. Duubkii farmaajaa xidhoo loo dabaal dagaye
  7. Shacbiguna inuu daacad yahay dood kamay celine
  8. Daafaha adduunkoo dhanbay uga duceeyeene
  9. Allahayoow ka yeel mid u damqada danaha qoomkiisa
  10. oo dawladduu soo dhisaa daajisaa ehelka
  11. Uu ducafadaa ururiyaa diilalyadu hayso
  12. Uu diin ku maamulo arlada darajo weeyaane
  13. Oo aanu gaalada dallagan marin dariiqooda
  14. Oo labada daarood noqdaa diric la maamuuso

 

  1. allahayow dalkana roob anfaca nooga doox samada
  2. oo abaarta laga doogsadoo daadku mulacyeeyo
  3. oo midhaha laga daabuloo debedda loo dhoofsho
  4. ooy duunyadii wada dhashoo caano laga duugo
  5. Oo nabaddu daaf iyo ka daaf degelka qaangaadho
  6. oo ducada noosoo ajiib deeqsibaad tahaye
  7. oo daayimow haygu qadin dalabkan kaa tuugay

 

 

Cabdiraxmaanxiiray1@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso