Daawo :Ururka Samafalka Gaaroodi Oo Agab Kala Duwan Gaadhsiiyay Dugsiyada Boodhinka Ah Ee Degmooyinka Salaxlley Iyo Balli-Mataan +Sawiro

Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Dr Cali Xasan oo uu weheliyo Qasniga Ururka Gaaroodi C.qani Muxumed ayaa safar ku gaala-bixiyay degmooyinka Salaxley iyo Balli-Mataan si ay deeq ka kooban agab kala gadisan u gaadhsiiyaan ardayda wax ku barata Dugsiyada Boodhinka ah ee Salaxley iyo Balli-mataan .

Deeqdan Ururka Gaaroodi Gaadhsiiyay Dugsiyada oo ka koobnayn Go’yaal iyo Koodhadh, ayaa waxaa bixiyay Wasiir Cukuse, Iyadoo Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysig Dr Fu’aad C.salaan uu isna door muuqda ka qaatay gurmadka iyo taakulaynta Dadka ku dhaqan Deegaannada Hoos taga Degmooyinka Salaxley iyo Balli-mataan, Noqday-na Agaasimaha qudha ee suntan waxqabad, tan iyo intii ay socdeen Gurmadka Abaaruhu .

Advertisement

Ku Xayeysiiso