Urur caalami ah ayaa ugu baaqa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celis af-hayeenkii Xarunta Xuquuqal Insaanka    

 

Ururka Caalamiga ah ee xuquuqal Insaanka u dooda ee Frontline Defenders oo fadhigiisu yahay caasimadda Dublin ee dalka Ireland ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay xorriyadiisa u soo celiso Axmed Xuseen Cabdi af-hayeenkii Xarunta Xuquuqal Insaanka iyo inay ka noqoto dacwadda ay ku soo oogtay Guuleed Axmed Jaamac oo ah gudoomiyaha Xarunta.

Frontline Defenders waxaay ku tidh warsaxaafadeedkeeda “dawladda Somaliland waa inay sida ugu dhaqsaha badan xorriyadiisa ugu soo celiso Axmed Xuseen Cabdi oo loo haysto hawl sax ah oo uu si salmi ah ugu gutay si uu u difaaco xuquuqda dadka. Waa in dawladdu xaqiijiso inay ula dhaqanto Axmed Xuseen Cabdi inta uu xidhan yahay si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay soo saartay. Waana in loo ogolaado inuu Axmed la kulmo si aan faro gelin lahayn qoyskiisa iyo qareeno. Dawladda Somaliland waa inay ka noqoto eedaha ay ku soo oogtay Guuleed Axmed Jaamac oo lagu haysto oo keliya hawlaha saxda ah ee uu sida nabadda ah ugu difaacayo xuquuqal insaanka. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda in duruuf kasta oo jirta loo ogolaado dhamaan difaacayaasha xuquuqal insaan ee Somaliland ka hawl gala inay u gutaan hawlohooda iyaga oo aan cabsi ka qabin in talaabo laga qaado iyo in la xannibo toona.”

Frontline waxaay sheegtay in Xarunta Xuquuqal Insaanku ay 15kii January 2017 bilawday codisyo dadwayne oo lagu dalbanayay in dib-u-habayn lagu sameeyo booliiska Somaliland oo laga dhigo mid lala xisaabtami karo.

 

 

HRC_UA_6_2_2017_HRDS

Advertisement

Ku Xayeysiiso